Koox Falastiiniyiin ah oo gubay qabriga Nabi Yusuf

Xiisada Falastiin iyo Israaliin oo sii korodhay maalmahan dambe ayaa waxay Falastiiniyiin gadoodsan ayaa dab qabadsiiyey Qabriga Nabi Yuusuf oo ku yaala Daanta Galbeed ee magaalada Nablus.

Goobtan ayey Muslimiinta iyo Yuhuuduba aaminsan yihiin in uu ku aasan yahay Nabi Yuusuf CSW.

Dab-damiyayaasha ayaa bakhtiiyey dabka, balse waxa uu khasaare laxaadleh gaadhsiiyey goobta.

Dabkan ayaa ku soo beeg saacado ka dib markii Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha Falastiinta in ay joojiyaan weerarada.

Maalmihii aanu soo dhaafnay ayaa waxa soo badanayey weerarada loo adeegsado mindiyaha oo lagu dilay todoba Israa’iiliyiin ah, sidoo kalena tobanaan kale ayaa ku dhaawacmay weeraro loo adeegsaday mindiyo iyo rasaas.

Dhinaca kale ugu yaraan soddon Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dadka weerarada gaystay ayaa dhintay weeraradaas.

Weeraradan ayaa bilaabmay bishii hore markii xiisad ay ka dhalatay goobaha barakaysan ee Yuhuuda iyo Muslimiinta ee Jerusalem, kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Israa’iil ay qorshaynayso in ay kordhinayso xuquuqda dadka Yuhuuda ee goobaha barakaysan.

Israa’iil ayaa si joogta ah u beenisay in ay qorshaynayso in ay badasho sharciga hadda jira oo ay kordhinayso xuquuqda dadkeeda ee goobaha barakaysan.

bandhige@gmail.com