Koox ka gadooday wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera oo booyad ku raasaaseeyey jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera

Kooxo ka gadooday wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera ayaa waxay jid-gooyo ku sameeyeen booyad nooca shidaalka qaadda ah jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaana meel u dhaw tuulada Darigodle.

Kooxdan ayaa sida lagu soo warinayo waxay ka gadoodeen shan qof oo loo xidhay in ay wadeen abaabul lagaga soo horjeedo wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.

Guddida nabadgalyada ee Berbera ayaa shantan qof ku xukumay min bil xadhig ah.

Goddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in ay garanayaan kooxdan ka danbaysa weerarka oo ay ciidamada booliiska oo ka soo kala baxay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad joogaan.

Wareejinta Keydka Haamaha Shidaalka Berber ayaa waxa uu muran ka dhex abuuray xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo laalay go’aanka wareejinta keydka haamaha shidaalka Berbera.

Hase ahaatee sida muuqata go’aankaas xukuumadda uma ay joojin ee waxa ay qaadatay in ay ku sii socoto go’aankeedii.

bandhige@gmail.com