Kooxda Daacish oo baahisay muqaal raggii weerarkii Paris fuliyey

Kooxda Daacish, ayaa sii deysay muuqaal muujinayo sagaal mintidiin ah oo ka qeyb galay weeraradii argagixiso ee magaalada Paris, iyo gowraca iyo dilka maxaabiis ku sugnaa Cirasq iyo Suuriya.

Muuqaalkan ayaa waxaa ku jira qaybo ka mid ah weeraradii Noofambar ee Paris, waxaana uu ku tilmaamay kuwii ka qeyb galay weerarka inay ahaayeen “Libaaxyo”, jilbaha dhulka u dhigay Faransiiska.

Dhammaan sagaalka mintid, ayaa ku naf waayey weerarka, ama weeraro ay booliiska qaadeen kadib weerarka.

Xagjiriinta fuliyey weerarkan oo badankood ka yimid Biljimka ama Faransiiska ayaa ugu yaraan 130 qof ku dilay qaraxyo iyo xabado lala beegsaday dhowr goobood oo ka mid ah Paris.

Muuqaalkan  ayaa waxaa sidoo kale ku jira Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameroom waxaana uu ka digay in kuwa aan Allaha aaminsaneyn ay “Bartilmaameed u noqon doonaan seefta kooxdan”.

Ingiriiska ayaa waxa ay qayb ka yhiin isbaheysiga Maraykanku uu hoggaaminayo ee duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ka wada guddaha Ciraaq iyo Suuriya.

daacish 4 Daacish daacish 3

bandhige@gmail.com