Kooxda Daacish oo sheegatay masuuliyadda weeraradii Paris

Kooxda Daacish ka dhisan guddaha Suuriya iyo Ciraaqย  ayaa sheegay masuuliyadda weeraradii Paris habeenkii xalay ahaa lagu qaaday, sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen weerarka waxa fuliyey sideed xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.

Dalka Faransiiska ayaa waxa uu ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq qaran ah.

Duqa Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in magaalada ay wax weyn u geysteen argagixisada, iyadoo kuwa weerarada soo qaadayna ay bartil-maameed ka dhigteen goobaha dhallinyaraddu ku caweyso.

Dhammaan waxa lawada xidhay goobaha waxbarashada, booliskuna waxay dadka u diidayaan goobaha ay dadku isku yimaadaan, sidoo kale Golaha Deegaanka Paris ayaa dadka ugu baaqay in ay dhiigoodii shubaan si loogu badbaadiyo dadka dhaawacyadu soo gaadheen.

Sidoo kale waxa la hakiyey kulamadda ciyaaraha ka dhici laha Faransiiska maanta iyo beri.

Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Faransiiska ayaa waxa ay cambaareeyeen weerarada Paris.

Weeraradan ayaa waxa ku dhintay dadka gaadhaya ugu yaraan 150 in ka badana way ku dhaawacmeen.

bandhige@gmail.com