Kooxda hay’adaha Qaramada Midoobay oo taageertay qiimaynta lagu samaynayo baahiyaha dabkii Hargeysa

Todobaad ayaa laga joogaa markii uu dab qabsaday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. Weli waxaa la dareemayaa saameynta uu dabkan geystay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ganacsatada maxalliga ay ka la daallaadhacayaan saameyntiisa.

“Meheradeyda waxa ay kaydin jirtay dharka. Waxaan iibin jiray nooc kasta oo dhar ah. Waxa ay ahayd meherad weyn. Waxaan ka quudin jiray waalidiintayda waayeelka ah, carruurtayda, iyo sidoo kale carruurta gabdhaheyga – guud ahaan, toban qof noloshooda waxay ku xirnayd ganacsigayga. Waxa aan ahaa qofka kaliya ee reerkayga masruufaha u ah, waxa ay ku tiirsanaayeen bacadlahan, laakiin hadda ma jiro,” ayay tiri Saynab Xasan Warsame, iyada oo sii dhex muquuranaysa dambaska halkii uu mar ka taagnaa bacadlaha.

Iyada oo lagu qiyaasay 5,000 oo meherado – oo isugu jira dukaamo waaweyn iyo dukaamo yaryar – mar ku yaallay suuqa, ayay Marwo Saynab kaligeed ku aheyn.

“Ganacsigaygu waxa uu quudin jiray qoyskayga oo dhan… meheraddani waxaa biilan jiray xubno badan oo qoyskayga ah oo noloshoodu ay si toos ah ugu tiirsanayd. Maanta, sida aad aragtaan, gabi ahaanba waa baaba’day,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Maxamud oo eegayay burburka qiiqaya.

Suuqa Waaheen oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kuna fidsan in ka badan shan KM oo isku wareeg ah, ayaa ahaa suuqa ugu weyn Somaliland, iyo suuqa afaraad ee ugu weyn Geeska Afrika. Waxa uu soo jiitay iibiyeyaal iyo dukaameysato ka imaanayay magaalada iyo bulshooyinka ku xeeran.

Sida laga soo xigtay guddiga wax-ka-qabashada Somaliland ee loo aasaasay in uu hoggaamiyo gurmadka degdega ah iyo qorshaynta dib-u-dhiska suuqa, qiyaasaha hordhaca ah ee wadarta khasaaraha ka dhashay dabka ayaa u dhexeeya $1.5 bilyan ilaa $2 bilyan. Waxa intaas dheer in badeeco badan oo baaba’day ay sababtay dhaqaalo yarida iyo sicir-bararka Hargeysa.

Kooxda Qaramada Midoobay ee la diray

Iyadoo laga jawaabayo burburka, Qaramada Midoobay waxay geysay koox ka tirsan hay’adaha farsamada horraantii toddobaadkan si ay ula shaqeeyaan dawladda iyo guddiga gurmadka si ay u qiimeeyaan burburka iyo taageerada dib u dhiska suuqa.

Kooxda ayaa ka kooban shaqaale ka socday sagaal hay’adood oo Qaramada Midoobay ah, sanduuqyo iyo barnaamijyo – Barnaamijka Horumarinta QM (UNDP), UN-Habitat, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO), UN Women, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). WHO), Sanduuqa Horumarinta Ra’samaalka ee QM (UNCDF), Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), Xafiiska Guddoomiga Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Kooxdu waxay leedahay khubarro ku takhasusay arrimaha deegaanka, arrimaha sharciga, arrimaha isgaarsiinta iyo, tan ka sii muhiimsan, dhaqan-dhaqaale iyo sidoo kale arrimaha caafimaadka, kuwaas oo la shaqeyn doona guddiga wax-ka qabashada si ay isugu dayaan in la dhiso meelaha loo baahan yahay in laga jawaabo,” ayuu yiri, mid ka mid ah madaxda kooxda hay’adaha, Jacqueline Saline Olweya, oo ah ku xigeenka wakiilka UNDP ee Soomaaliya.

Wax yar ka dib markii ay Hargeysa soo gaareen, xubnaha kooxda – oo ay wehliyaan wakiillo ka socday hay’ado kale oo caalami ah, sida Midowga Yurub – ayaa booqday goobtaas, halkaas oo ay indhihiisa ku arkeen baaxadda khasaaraha ka dhashay, waxaanay la kulmeen dad badankood ganacsato ah. In kasta oo ay naxdin dhacday, haddana waxa ay isku dayeen in ay ku soo noqdaan meherad iyaga oo dhistay  cooshado iyo badeecooyinka kooban oo ay iibinayaan.

“Waxaan xusuustaa in aan la hadlay mid ka mid ah haweenka oo aan waydiiyay wax ku saabsan saamaynta ay tani ku yeelatay iyada oo ay sheegtay laba arrimood oo muhiim ah. Mid ka mid ah kulaylka ay leedahay in ay u adkaysato ayaa ah mid aad u weyn sababo la xiriira burburka ku yimid goobtii ay ku iibin jirtay alaabteeda, waxayna ka warbixisay arrintan iyo saameynta ay ku yeelan karto caafimaadkooda marka ay shaqeynayaan. Midda labaad ee ay ka hadashayna waxa ay ahayd Baahida Saamiyada, in ay dib u soo kabtaan Khasaaraha ka dhashay. Waxayna ka hadlaysay dakhliga aadka u yar ee ay soo saari jirtay sanad walba, balse hadda waa la baabi’iyay, mana haysato, marka booqashadii goobta ayaa sidoo kale naga dhigtay inaan waji bini’aadan ka galno masiibadaas,” ayay tiri Marwo. Olweya.

Maalmihii xigay ayay kooxdan hay’aduhu la kulmeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Guddigii ka jawaabidda. Wadahadalkooda, kooxdu waxay ku nuuxnuuxsatay doorka muhiimka ah ee qiimaynta qoto dheer ay ka qaadan doonto caawinta aqoonsiga agabka loo baahan yahay in dib loo dhiso isla markaaba iyo sidoo kale mustaqbalka.

“Waa ka dib marka aan samayno qiimeynta inaan awoodno inaan go’aaminno inta kheyraad ee loo baahan yahay si loo gaaro baahiyaha degdegga ah, iyo inta kheyraad ee u gudbi kara baahiyaha muddada dhexe iyo kuwa fog,” ayay tiri Marwo. Olweya.

Warbixinta qiimeynta wadajirka ah ayaa la soo gabagabeyn doonaa maalmaha soo socda, waxaana loo adeegsan doonaa shirka deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya toddobaadka soo socda.

“Waan ka mahadcelineynaa shaqada socota, waxaana aqbalnay taageerada dhanka khibradda ah ee la keenay, laakiin sidoo kale rabitaanka hay’adaha Qaramada Midoobay oo qeyb ka noqon doona qiimeynta baahiyaha degdegga ah. Wax badan ayaanu ka hadalnay, haatanna wax-qabad ayaa loo baahan yahay, dadku way sugayaan ficilladaas, waxaanan hubaa in hay’adaha Qaramada Midoobay ay qayb ka noqon doonaan arrintaas,” ayuu yiri Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah la-taliye sare oo dawladda ah oo hormuud ka ah arrimahan dhinaca qiimaynta farsamada ee maamulka Somaliland.

Isha Dakhliga

Suuqa Waaheen ayaa marka laga yimaaddo dhinaca nolosha kumannaan qof oo deegaanka ah, waxa uu ahaa il dhaqaale oo aad u badan oo ka soo gala dawladda hoose ee Hargeysa, iyo sidoo kale dakhliga guud ee dawladda. Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha ee Somaliland ayaa ku qiyaasay in dabku uu 40 ilaa 50 boqolkiiba dhaqaalaha magaalada uu burburiyay.

Iyadoo kooxda hay’adaha Qaramada Midoobay ay toddobaadkan kala shaqeeyeen maamulka qiimeynta waxa loo baahan yahay si dib loogu dhiso si ka sii wanaagsan, dadka deegaanka ayaa muujiyay rajo ah in taageerada caalamiga ah, wadajirka iyo midnimada ay gacan ka geysan doonto in suuqa uu ku soo laabto kaalintiisii ​​dhexe ee ganacsiga. magaalada.

“Waxay ahayd in aan si mutadawacnimo ah u caawiyo ciidamadeenna, booliiska, millatariga iyo dawladeenna si aan u muujinno in aan daryeelno oo aan nafteenna wax u tari karno” ayay tiri Safiya Aw-Muxumed Xasan oo ka mid ah ganacsatada raashinka ku iibisa, iyada oo cunto loogu talagalay dhibbanayaasha dabka ku ridday weel ay ku dhex jiraan koox caawiyeyaal iskaa wax u qabso ah..

“Waxaan arkay dadkayga oo wax badan soo maray. Waxaan arkay hooyooyin badan, aabbeyaal badan, oo ooyaya – waxay waayeen maalkoodii iyo wixii ay haysteen,” ayay raacisay Xafsa Cumar, oo ah shaqaale bulsho iyo arday jaamacadeed.” Shaqaale bulsho ahaan waxa kaliya ee aan ku caawin karo waa cunto iyo cabitaan.”

 

Xigasho: UNSOM