Kooxda wada-hadalada Tuuniisiya oo ku guulasatay bilada Nobelka ee nabada

Biladda Nobelka Nabada ayaa la guddoonsiiyey kooxda Qaranka wada-hadalada Tuuniisiya.

Sannadkan ayaa u sharaxnaa tartanka biladda Nabada in ka badan laba boqol oo qof.

Guddoomiyaha Guddiga Nopelka ayaa in kooxdani ay samaysay go’aan wax ku soo kordhiyey dhisida dimuqraadiyadda ka dib kacdoonkii 2011-kii ka bilaabmay Tuuniisiya.

Kooxdan ayaa waxay ka kooban yihiin afar ururo oo metal qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kooxdan ayaa waxay noqonayaa kooxda kaliya ee waddankooda xasilooni ka dhaliyey ka dib kacdoonkii ka bilaabmay.

Kooxdan ayaa waxay tusaale fiican u noqon karaan guddiyada dhexdhexaadinta ka wada waddamada qalalaasaha iyo kacdoonku ka taagan yihiin.

bandhige@gmail.com