Kooxdii Isbahaysiga Kulmiye waxay maanta si rasmi ah ugu biireen xisbiga Waddani, waxa loo qabtay xaflad soo-dhawayn ah

 

Wada-tashi qaatay  sannad maalmo dhiman kadib diyaaraddii la heehaabaysay Isbahaysiga Dimuqraadiyad-doonka Kulmiye waxay maanta soo cago-dhigatay ardaaga xisbiga Waddani. Waxa loo sameeyey xaflad soo dhaweyn ah oo lagu qabtay hudheelka Maansoor.

Waxay  ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qayb galeen guud ahaan qaybaha bulsho weynta magaalo-madaxda iyo marti-sharaf ka timid gobollada.

Sidoo kale waxa xafladda ka soo qayb-galay dhammaanba masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo si kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyay madashaas Isbahaysigii Dimuqraadiyad-doonka Kulmiye oo ah siyaasiyiin saamayntooda leh, waxaana lagu soo dhaweeyay heeso iyo sacab ay ku ladhantahay gacaltooyo. Warbaahinta qaarkeed ayaa xafladda si toos ah ugu tebinaysay dadweynaha.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay masuuliiyinta xisbiga Waddani, waxaanay iska daba mareen in ay si laab-furnaan ah masuuliyiintan ugu soo dhawaynayaan xisbiga Waddani.

Dhanka kale siyaasiyiinta Isbahaysiga ayaa iyaguna mikirifoonka qabsaday markooda ayaa iyaguna uga mahadceliyay xisbiga iyo taageerayaashiisaba sida kal iyo laabta ah ee ay u soo dhaweeyeen ‘

Waxaanay ka sheekeeyeen qodobadda heshiiska ay kula midoobeen xisbiga Waddani iyagoo sheegay in maalinta maanta ah ee Isniintu ay tahay maalin ku wayn Waddani iyo somaliland-ba.

Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye waxay hore uga soo goosteen xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo kadib markii ay ka biyo diideen qaabkii loo waday shirweynihii Kulmiye ee murashaxa loogu doortay Muuse Biixi Cabdi iyagoo sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ka eexday Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo jagadaas kula tartami lahaa Muuse Biixi.

Kooxda isbahaysiga waxay qayb ahaan u qaateen in wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan la siiyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani oo ah mansab ku cusub xisbiyada Somaliland, halka Maxamed Biixi Yoonis oo isagu markii hore doonayey jagada Musharaxnimada Kulmiye haatan wax mansabka aanu ka helayn Waddani.

Kooxdan Isbahaysiga oo ay ku jiraan xubnihii ugu awood badnaa dawladda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo inta badan xisbigu waddani dhalliilo dhinaca musuqmaasuqa iyo maamul-xumada ah ayuu u soo jeedin jiray, iyaguna dhankooda waxay gantaalo ku gani jireen guddoomiyaha Waddani. Waxana la xasuusan karaa weedhihii caanka ahaa ee Xirsi ku tiraabay mar la doonayey in Cabdiraxmaan-Cirro laga xayuubiyo mansabka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isagoo yidhi “Cabdiraxmaan-Cirro sankuu caano ka keeni.” Siyaasiyiinta guurguura ee marna isku cadowga ah marna heshiiyaa waxay keentay in dadweynuhu xisbiyada ku sifeeyaan qaar magaca uun ku kala duwan laakiin aan lahayn mabaadii’ caan ah oo ay ku kala duwan yihiin.

 

waddani1 waddani2

bandhige@gmail.com