Wasiirro iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Ugu dambayn waxa soo if baxaya cidda ay u badan tahay in ay guushu raacdo tartanka loogu jiro murashaxnimada madaxweynenimada Kulmiye kadib markii ay maanta is casileen xayn wasiirro ah oo ay hor kacayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis isla markaana ahaa murashaxa madaxweynenimada iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiiradda kale ee xilka iska casilay ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Daahir, Wasiiraka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir-ku-xigeenka Dib-u-dejinta Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha Mawliid Weris Cabdilaahi.

Is-casilaadda wasiirada ayaa dad badani u fasirteen in tartankii murashaxnimada Kulmiye uu ku adkaaday Muuse Biixi Cabdi madaxtooyaduna ay haatan sida muuqata go’aansatay in ay isaga taageereen.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar iska wada casisha xukuumadda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo mar dhawayd la hadlay BBC-da ayaa sheegay uu iscasilaaddii ka aqbalay, dad badan oo diyaar u ah in ay la shaqeeyaana ay jiraan oo uu kuwaas soo magacaabi doono.

bandhige@gmail.com