Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somailand Dr.Xuseen Bashiir Xirsi oo ay weheliyaan, agaasimaha waaxdda adeegyada caafimaadka iyo cusbitaaladda ee Wasaaradda, isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex iyo la taliyaha wasiirka ayaa maanta kormeer ku tagay, qaybo ka mid ah xarumaha Wasaaraddu maamusho ee magaaladda Hargaysa.
Kormeerkan wasiirka oo ujeedadiisu ahayd, sidii uu ugu kuurgalli lahaa, habsami u socodka xarumaha caafimaadka ee wasaaraddu maamusho iyo adeegyadda ay bixiyaan, ayaa ugu horayn kormeerkiisa ka bilaabay, cusbitaalka Qaaxadda ee magaaladda Hargaysa, wasiirka iyo masuuliyiinta ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay maamulka cusbitaalka iyo dhakhaatiirta ka hawl gasha, iyagoo helay warbixin dhamaystiran oo ku aadan qaabka uu cusbitaalku u shaqeeyo iyo wixii caqabado ah ee haysta, intaa kadibna mid mid usoo maray, qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cusbitaalka qaaxadu, si ay indhahooda ugu soo arkaan, shaqada ka dhex socota iyo adeega uu bixiyo cusbitaalku.
Intaa kadib wasiirka iyo masuuliyiinta ku wehelisa kormeerka ayaa u jihaystay dhanka Machadka Culuumta Caafimaadka ee Hargaysa, iyagoo halkaa kulan balaadhan kula qaatay, agaasimaha Machadka kana dhagaystay, warbixin guud oo ku saabsan, hanaanka Machadku u shaqeeyo, culuumta uu bixiyo, guulaha uu gaadhay mudadii uu shaqaynayay iyo caqabadaha jira ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, kulankaa kadib, wasiirka ayaa mid mid usoo arkay, goobaha ay wax ku bartaan ardaydu iyo hanaankooda waxbarasho, wasiirka ayaa bogaadiyay maamulka Machadka iyo macalimiinta isagoo kula dardaarmay ardayda wax ka barata Machadka inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iskuna diyaariyaan inay noqdaan halwadeenada Caafimaadka ee barri u adeegi doona Dalka.
Wasiirka oo kormeerkiisa sii wata, ayaa gaadhay xarunta guud ee la dagaalanka iyo xakamaynta Duumadda, isagoo halkaa warbxino kala duwan kaga dhagaystay, mamaulka iyo hawlwadeenada xarunta, intaa kadibna soo kormeeray qaybaha ay ka koobantahay xaruntu iyo shaqadda baaxada leh ee ka dhex socota, ugu dambayn wasiirka iyo masuuliyiinta wehelinaysa ayaa kormeerkooda kusoo gunaanaday xarunta xakamaynta iyo la dagaalanka xanuunka HIV/ADISKA iyagoo halkaa kulan balaadhan kula qaatay maamulka xarunta iyo shaqaalaha, kana dhagaystay warbixino ku saabsan, qaabka ay u shaqayso xaruntu, adeegyadda ay bixiso iyo wixii caqabado ah hasyta.
Wasiirka ayaa si balaadhan ugu mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii iyo hawlwadeenadii ka hawlgalayay goobihii uu kormeerka kusoo maray sida wanaagsan ee ay u shaqaynayeen, isagoo hoosta ka xariiqay, in ay Wasaaraddu wax ka qaban doonto baahiyiha haysta intii awooda ahna ananay waxba ka hagran doonin, xukuumadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ee Waxqabad iyo wada jirna ay ka go,antahay in isbadal la taaban karo lagu sameeyo adeega Caafimaadka ee guud ahaan goboladda iyo dagmooyinka dalka si kor loogu qaado Caafimaadka guud ee Dalkeenna.































