Ku-xigeenka Isu-duwaha Qaramada Midoobay ee Bani’aadanimada ayaa shir-saxaafadeed ku qabtay Hargeysa, wuxu ka hadlay xaaladda abaaraha

 

Ku-Xigeenka Isu-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadanimada Md. Vincent Lelei ayaa shalay shir-saxaafadeed ku qabtay Hargeysa.

Wuxu sheegay in roobabkii gu’ga ee sida is-daba-joogga ah u baaqday ay sababeen in guud ahaan Somaliland ay wali ka jirto abaar ba’ani.

Muddadii abaartu socotay ilaa 80 hay’adood oo ah daneeyayaasha arrimaha bani’aadanimada ayaa gacan ka gaystay gurmadka abaaraha ee lagu badbaadinayo dadka ay abaartu saamaysay.

Vincent wuxu sheegay in loo baahan yahay in dhammaan daneeyayaashu wada jir u shaqeeyaan si ay xukuumadda Somaliland uga taageeraan gurmadka iyo ka-soo-kabashada abaaraha. Fiidyowga sare ka daawo jirka jaraa’id oo muuqaal ah.

Xigasho: UN in Somaliland