Ku-xigeenka maayarka Hargeysa wuxu kulan la qaatay maayarka Sheffield

Sida ay baahisay shabakadda Warsugan, maayar-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne” oo in dhawaydba hawlo shaqo u joogay UK ayaa kulan ballaadhan la qaatay maayarka Sheffield Talib Xuseen kaas oo ka dhacay hoolkii ay golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsadeen Somaliland.

Kulankan ayaa ku salaysnaa martiqaad rasmi ah oo uu maayar-xigeenku ka helay maayarka Sheffield, waxaanay ka wada hadleen sidii loo  midayn lahaa labada magaalo ee Hargeysa iyo Sheffield la isagana kaashan lahaa sidii xidhiidh joogto ahi u dhex mari lahaa golaha deegaanka Hargeysa iyo golaha deegaanka Sheffield.

Qodobadii ay maanta la falanqeeyey waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha biyaha, caafimaadka iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee dhinaca Somaliland oo uu maayar-ku-xigeenku u gudbiyey maayarka Lod Sheffield Talib Xuseen. Maayarka Sheffield waxaa uu ballanqaaday in uu gacan ka geysan doono sidii golaha deegaanka caasimada Hargeysa qaar xidhiidh toos ah la leh Golaha Deegaanka Sheffield.

Ugu danbayna waxa uu maayar-ku-xigeenku u mahadnaqay maayarka sheffield iyo golihiisa deegaanka sidii sharafta iyo milgaha lahayd ee ay u soo dhaweeyey una qaabileen. Maayar Cabdicasiis wuxu sidoo kale uga mahadnaqay Golaha Deegaanka Sheffield aqoonsigii ay aqoonsadeen qaranimada Somaliland ee ay uga badheedheen una noqdeen golihii u horeeyey ee aqoonsada Somaliland.

Bandhige@gmail.com