Kulan ay isugu yimaadeen Xukuumadda, Komishanka Dooraashooyinka iyo Xisbiyada ayaa lagu gorfeeyey goobaha aanay doorashadu ka dhicin ee lagu muransan yahay

????????????????????????????????????

Kulan ay isugu yimaadeen shalay Xukuumadda, Komishanka Dooraashooyinka iyo Xisbiyada oo uu Guddoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa lagu gorfeeyey goobaha aanay doorashadu ka dhicin ee lagu muransan yahay gaar ahaan goobaha ay wadaagaan Gobollada Awdal, Maroodi –jeex iyo Saaxil.

Kulankan ka dib ayaa waxa uu afhayeen Madaxtooyada Xuseen Dayr ayaa waxa lagu sheegay in go’aamada ka soo baxay shir ay wada-jir ugu dhowaaqi doonaan Komishanka Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha.

Nuqul ka mid war-saxaafadeedka oo soo gaadhay Bandhige waxa uu u dhignaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

 Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka oo lagu gorfeeyey muwaadiniin mudo  badan waayey xuquuqdoodii Distooriga ahaa ee ay wax ku dooran lahaayeen ama iyagaba  la  dooran lahaa.

Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey Ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka  dhacay  halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd  ee qeexaysay  in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

Goobaha oo kala ahaa:

Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha   ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku  kulmaan  Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah  loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Guddaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo  noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah  muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.

Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.