Kulan dhex maray Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo madaxa ugu sareeya UNDP Somaliland iyo Somalia.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL mudane Prof. Yaasiin X Maxamuud Xiir ( Faratoon) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya xafiiska UNDP ee Somaliland iyo Somalia. Kulankan oo ujeedadiisa guud ay daaraneyd isbarasho iyo is xogwareysi u dhaxeeyey labada dhinac ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ay UNDP la soo qabatey Golaha Wakiilada tobankii sano ee ugu dambeeyey iyo waxyaabaha golaha muhiimka u ah ee ay tahay in ay UNDP iyo Golahu kasii wada shaqeeyaan, sida hawlaha ku xusan qorsheyaasha 5ta Sano ee golaha ( 5 years strategy plan) .

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaadey dhiirigalinta haweenka ee ka qayb galka siyaasada. Waxaa sidoo kale la xusay kor u qaadista iyo badinta kulanada u dhaxeeya Golaha wakiilada iyo saaxiibada ka taageera horumarka ( development partners) si loo dardar geliyo horumarka golaha.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa.

 

Dhinaca Golaha Wakiilada:

 

1. Mudane Yaasiin Xiir ( Faaratoon). Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

2. Mudane Siciid Mire Giire. Gudoomiyaha kuxigeenka 1aad.

2. Mudane. Maxamed Xasan Siciid. Mudane ka tirsan Guddida arrimaha dibada

3. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Xoghayaha Guud.

4. Abdinasir Osman Mohamoud. Agaasimaha qorsheynta

 

Dhinaca UNDP

1. Lionel Laurence. Resident Representative.

2. Ms. Sophie kemkhadse. Deputy Resident Representative

3. Samiira Ahmed Hassan. Head of Area office

4. Masoud Abdi. Programme Analyst