Kulan dhex maray Madaxtooyada, maamulka Dekedda Berbera iyo ganacsatada

Kullamadii is-daba jooga ahaa ee u dhexeeyey ganacsatada dalka,  maamulka Dekedda Berbera iyo xukuumadda ayaa shalay galabtii  19.01.2016 markii saddexaad lagu soo gabo-gabeeyey  Xarunta Madaxtooyada. Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka hoos ku dhigan oo duhurkan maanta ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Kulankan oo ay  isugu yimadeen  Masuuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Mareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Ganacsiga & Maalgashiga.

Kullamadaa is-daba jooga ahaa ayey  ujeedadoodu ahayd xal-u-helidda cabashooyin ay qabeen ganacsatada dalka ee Dekedda Berbera wax kala soo degta, kuwaasoo todobaadadii u dambeeyey cabasho ka muujiyey khidmad adeeg ah oo  ay Dekeddu ku kordhisay alaabooyinka ay ganacsatadu ka soo waaridaan dalka dibediisa.
Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ugu dambayntii ku soo gabo-gaboobay is-afgarad iyo is-fahan ku dhisan in meel looga soo wada jeesto horumarinta danaha Qaranka iyo dhiirigalinta ganacsatada dalka  . Dhinaca kale, Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah Eng. Cali Cumar (Xoor-xoor) ayaa ballan qaaday in kor loo qaadi doono hufnaanta iyo habsami socodka hawlaha ay Dekaddu u qabato Ganacsatada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dekeddu qalab ahaan iyo adeeg ahaanba ay tayeyn doonto korna u qaadi doonto adeegyada ay bixiso  oo ay ganacsatadu saluug ka muujiyeen.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mud Maxamed Shugri oo door wayn ka qaatay xal u helida iyo isu soo dhawaynta dhinacyada ganacsatada iyo dekeda ayaa xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in ganacsatada dalka la kobciyo isla markaana laga dhawro culays walba oo cidhiidhi galin kara tartanka ay kula jiraan ganacsatada mandiqada.
Ganacsatada ayaa iyaguna dhankooda waxay bogaadiyeen hannaanka wanaagsan ee kulammadan loo soo aloosay iyo guusha iyo is-afgaradka ay ku dhammaadeen. Sidoo kale ganacsatadu waxay hoosta ka xariqeen in kor loo qaado dhinacyo ay tabashada  ka qabeen.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay ganacsatadu u leeyihiin Qaranka iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka waxaanu xusay in aanay marnaba ka Xukuumad ahaan la rabin in uu ganacsatada fuulo culays ku keeni kara in lagaga adkaado sayladaha ganacsiga.
Wasiirka ayaa cadeeyey in guud ahaanba Dekkaddu madax baanaan tahay balse khidmadan  la kordhiyey aanu Maareeye Cali Xoor-xoor kelidii soo allifin ee ay tahay arrin uu Madaxweynaha kala tashaday, Madaxweynuhuna ka ogolaaday, isla markaana korodhka Tacriifadu ay ku cadahay Miisaaniyada Sannadka 2016 ee Golaha Wakiilladu ay ansixiyeen waxaansu sidoo kale cadeeyey in wax walba oo kasoo xarooda aanay noqonayn wax jeeb kale ku dhaca balse si toos ah loo galin doono isla Dekeda.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa dhanka kale xusay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha oo halkii ay awal Dekkadu Xukuumadda deeq siin jirtay, in maanta sida ku cad Mashaariicda Horumarinta ee ku jira Miisaaniyada Qaranka in  Xukuumaddu ay Dekkada dib u siin doonto kab iyo taageero dhaqaale, maadama Dekedda la balaadhinayo laguna kordhinayo terminaal cusub oo wax weyn ka tari doona tayada adeegyada ay Dekeddu bixiso.
Isku soo wada duuboo, kulankan ayaa ku dhamaaday Is-afgarad iyo  Guddoon loo dhan yahay kaasoo salka ku haya tudhaalaha danta iyo maslaxadaha Qaranka.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)