Kulan lagaga arinsanaayey abaaraha Gobolka Awdal ayaa lagu qabtey xarunta Dawlada Hoose Boorama

Kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Duqa Degmada Boorama, kan Degmada Baki iyo Maamulka Gobolka Awdal ayaa Shalay lagu qabtey xarunta Dawlada Hoose ee Boorama, waxaana lagu lafa guray sidii gar-gaar deg deg ah loogu fidin lahaa meelaha ay abaaruhu aadka u saameeyeen.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo ugu horeyn ka hadlay madasha uu ka socday shirka wada-tashiga abaaraha ayaa sheegey in ay abaar baahansan ay ka jirto guud ahaan deeganaadaas waxaanu carab ku dhabay degmooyinka Lughaya, Boon, Qulujeed Baki iyo meelo kale waxaanu sheegay in biyo dhaamis deg-deg ah meelahaas looga baahan yahay.

sidoo kale waxa ka hadlay Maayarka Baki Maxamed Axmed Caateeye oo sheegay in 80% xoolihii ku dhaqnaa deegaanada Baki ay dhinteen, abaartuna ugu badan tahay gobolka Awdal deegaanada Baki oo biyo la’aan baahsanid ka jirto una baahan gurmad deg-deg ah in lala gaadho goobahaasi.

Waxa kale oo ka hadlay Xoghayaha Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac ayaa sheegay oo qirey in dhibkaasi jiro dawlada iyo hay’adahana looga baahan yahay in ay u soo gurmadaan deegaanadaas.

Waxaa xusid mudan in sanadkan aanu deegaanada gobolka Awdal badankooda aanu wax roob ahi ka di’in isla markaana ay aad xoola dhaqatada iyo beerlaydaba ugu adag tahay xaaladu, iyada oo aanay sideedaba jirin waxyaabo lagaga gaashaanto marka ay abaaro noocan oo kale ahi dhacaan.

bandhige@gmail.com