Kulan lagaga hadlayay Mihiimada goobaha akhrisku u leeyihiin Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Gabiley.

Kulanka ayaa ahaa mid lagaga arrinsanaayey humiimadda Magtabaduhu u leeyihiin bulshada iyo horumarinta nabadda dalka.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay xoghayaha gobolka Gabiley, aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Gabiley, waxaana xarunta akhriska ee degmadaasi khudbad ka jeediyey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Mareykanka Ampassator Bashiir Good, waxaanu khudbadiisa diirada ku saaray ahmiyadda Magtabadduhu u leeyihiin horumarinta Bulshada iyo in ay Magtabadduhu yihiin goobo lagu kaydiyo laguna ururiyo taariikhdii waxyaabihii dhacay iyo Buugaagta aqoonta kala duwani ku duugan tahay, iyadoo safiirku ku dheeraadey ahmiyadda Maktabadduhu u leeyihiin Bulshada iyo sida loogu baahan yahay in bulsho weynteenu ku baraarugsanaadan.

Dhinaca kalena, Masuuliyiintii kala duwanaa eek a soo qayb galay kulanka ayaa si wado jir ah uga warbixiyeen ahmiyaladda Bulshadda u leeyihiin Magtabadah, waxaanay sheegeen in faa’iidadeedu ka balaadhan tahay goob wax akhris balse yihiin goobo bulshadda aqoontooda kor u qaadaya kobcinayana garaadka Bulshada.