Kulan lagu lagaga hadlayo cidhibtirka Qabyaaladda oo Hargeysa ka dhacay

Kulan balaadhan oo lagaga hadlaayo ololaha cidhibtirka Qabyaaladda ayaa lagu qabtay habeenkii xalay ahaa Xarunta dhaqanka Hargeysa, waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan iyo aqoonyahano, waxaana goobtaasi lagu lafo guray, hadimada iyo waxyeelada ay qabyaaladu ku yeelatay ummadda.

Madashaasi oo uu soo abaabulay Wasiir-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge, oo iskagu sheegay inuu u go,ay olalaha cidhibtirka qabyaalada. Sidoo kale waxa iyaguna madashaasi ku sugnaa Barkhad Jaamac Batuun oo ahaa la taliyihii hore ee Madaxweynaha ee dhinaca bulshada la haybsooco, Xoghayaha Wasaaradda Madaxtooyada Sharmaake Geele, qoraa Rashiid Cabdilaahi (Gadhweyne) waxana halkaasi lagaga wadda hadlay dhibaatada iyo dib u dhaca ay keento qabyaaladdu.

Waxaanu ugu horeyn madashaasi ka hadlay qoraa Rashiid Cabdilaahi waxaanu yidhi:

“Runtii qabiilka iyo qabyaaladda dadku kala saaraan waa isku mid, qabiilkuna isaga ayaaba eex ku dhisan iyo qudhun, qabyaalada hooyadeedna waa qabiilka.”

Qoraaga oo hadalkiisa sii wata aya sheegay in qabyaalada lagu tirtiri karo horumarka dhaqaalaha, waxaanu yidhi:

“Qabyaalada waxa lagu tirtiri karaa horumarka dhaqaalaha, Waddada Ceerigaabo hadii dhismaheeda lagu guuleysto, bulsho kala xidhnayd aya isku furmaysa, taasina waxay furfuraysaa is dhex galka bulshada.”

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir-xigeenkii hore Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cabdikariim Axmed Mooge, oo haatan ku hawlan ololaha la dagaalanka qabyaalada, tan iyo intii uu xilka iska casilay waxaanu yidhi:

“Madaxweynuhu wuu dhiban yahay oo waxa uu saran yahay Maxkamad aan dhamaanayn taasi oo uu u saaranyahay reer kii badsaday iyo kii yaraystay la leeyahay xaqbaa ka maqan, waxa kale oo jirta buurihii reer baa sheeganaya, ceelashii reerbaa sheeganaya, beerihii reerbaa sheeganaya.”

Mar uu ka hadlayaa sababaha uu iskugu taagay olalaha la dagaalanka qabyaalada ayaa waxa yidhi:

“Waxaan iskugu taagay inay bulshadu caddaalad hesho, oo qabiilka yar iyo qabiilka weyni ay caddaalada u sinaadaan, ayaan isku taagay, sidoo kale olalahanii waxa uu ku boorinayaa bulshada in aan xilka ummadda lagu hanan qabyaalad, balse lagu helo aqoon iyo karti badan, daacnimo iyo in uu qofku ku sifoobo daacadnimo.”

Ololahad qabyaaladda ayaa hore waxa isku dayey in uu cidhibtiro Madaxweynihii kaligii taliyahah ee Siyaad Barre wakhtigii ay Somaliland ka mid ahay Soomaaliya, isagoo sheegay in uu aasay qabyaalada, hadana ku dhaqmayey.

Wakhtiga xaadirkan waxa hoggaaminaya rag hore Guddoomiyeyaal reer soo noqday wakhti oo markaa reerkooda hogaamin jirey, haatanna ku dhawaaqay ololaha cidhibtirka qabyaaladda.

bandhige@gmail.com