“Kulmiye mar baynu geela ku darnay oo wuxu noqday awr dhal xun” Cali Gurey

Af-hayeenkii xisbigii UDUB Cali Gurey ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa caanka ah ee uu ku leeyahay Facebook-ga si ba’an ugu dhalleeceeyey xisbiga Kulmiye kuna tilmaamay mid la soo tijaabiyey oo aan loo noqon doonin.

Qoraalka Cali Gurey sidan ayuu u dhignaa:

Kulmiye mar baynu geela ku darnay oo wuxu noqday awr dhal xun. Mar kale hadii dhal xumadiisa geela ku darno waxaynu ka filaa waa ka sii xun. Kud iyo cadhaba dishay wax dib geel loogu darsado maaha dhal xumadiisa. Tan kale Somaliland ma jaadle ayay ka liidataa marka jaadkii hore oo yaalla mid cusubi ka soo dul dhaco iyaguba wixii hore quba ayay yidhaahdaane.

Bal warqaddan yar inta ka hadashay eega iyo siday uga kala hadleen. Waxad is odhanaysaa miyaanay xukuumad keliya ahayn mise iyaga dhexdooda ayay deeradu kala dhex miranaysaa oo waxay ka dhigteen hub ay isu adeegsadaan.

Anigu runtii warqaddan yar wax muhiim ah umaan arag. Waan rumaysanahay in qoraalka Sucuudigu isu qoray sax yahay oo uu jiro laakiin heshiiska uu qoraalku ka waramay ma jiraa oo cadayn ma loo hayaa? Iska dhaafa dagaalka xidigaha ee wasiirada saaxiibka ahaan jiray ee bal ma dhegaysateen guddoomiyaha Kulmiye iyo Af-hayeenka Madaxwaynaha ee iyagu gartiiba qaaday ee midba dhinac u riday. Sua’aashu waxay tahay labada masuul ma mucaaridka arrinka wadwaday bay taagga u jawaabayeen mise laba col oo gudahooda ah ayay u kala hadlayeen. Tan oo kale!

Muuse Biixi waxad mooddaa in aanu xilkiisaba garanayn waayo iyada oo aan weli jawaab rasmi ah oo warqaddan ku saabsan xukuumaddaba ka soo bixin ayuu isaga oo aan ka tirsanayn xukuumaddii jawaabta looga fadhiyay is midi roortaynayaa kana jawaabayaa wax aan isaga looga fadhiyin inu ka jawaabo. Kolay malaha jawaabta rasmiga ah ee xukuumadda waxa uun loo qaadan karaa hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda, ama ha lagu qanco ama yaan lagu qancine; inkasta oo anigu ilaa hadda aanan maqal.

Bandhige@gmail.com