Difaaca laf dhabarta u ah kooxda Chelsea iyo xulka qaranka ee Faransiiska Kurt Zouma ayaa waxa dhaawac aad u culusi ka soo gaadhay jilibka lugta bidix. Zouma ayaa waxa uu ka maqnaan doonaa ciyaaraha muddo lix billood ah, waxaanu seegi doona inta ka hadhay horyaalka Ingiriiska iyo koobka Yurub ee 2016-ka.
Zouma ayaa waxa dhaawacmay kulankii ay barbaraha wada galeen kooxda Manchester United, oo Kooxda Chelsea marti loogu ahaa gurigeed, labada kooxood waxay isla mari waayeen barbardhac 1:1 ah, inkastoo kooxda Manchester United ay aad uga awood badneyd.
Xiddigan 21 sanno jirka ahi waxa uu khadka ka saarey oo uu kursiga keydka u direy ciyaaryahanka reer Ingiriis ee Gary Cahil, billowgii waqti ciyaareedka kadib markii uu aad ugu soo shaac baxay tartanka horyaalka Yurub, ee loo yaqaan Champion League. Zouma markii uu dareemay in uu dhaawacanyahay aad buu uga xumaaday balse waxa lagu qanciyey in uu ka bogson doono, waxa degdeg loogu qaaday cusbitaal caalami ah ku yaalla dalka Faransiiska si loogu daweeyo inta ka hadhay xilli ciyaareedkan, Waxaanu seegi doono tartanka koobka qaaradda Yurub ee EURO 2016.
Mar la wareystay Zouma waxa uu taageerayasha iyo kooxdiisaba u cadeeyey in uu sawir la saaray tusay in uu dhaawacan yahay waxaanu yidhi:
“Waxaan idiin sheegayaa in aan dhaawacan ahay balse waxaan dib usoo noqon doonaa anigoo aad u caafimaadqaba, waanad ku mahadsantihiin fariimaha aad iigu soo dirteen bogayga TWITTERKA”
Kooxda Chelsea oo xili ciyaaareedkii hore qaaday koobka horyaalka Ingiriiska ayaa haatan imika dadaal weyn ugu jirtaa sidii kor uga soo kici lahayd kaalmaha ugu hooseeya oo haatan ku jirto.