Kuuriyada Waqooyi oo midaynaysa qoysas 60 sanno kala maqnaa

Dad u dhashay Kuuriyada Koonfureed oo da’doodu tahay 89 sano ayaa u socdaalaya Kuuriyada Waqooyi si ay u soo arkaan qaraabadooda oo aanay arag tan iyo markii uu billawday dagaalkii Kuuriya ee socday 1950-1953.

Dagaalkaas ayaa horseeday in gacanku uu qaybasamo, dadkii Waqooyiga ku sugnaana uma ay suuragalin in ay dhanka Koonfureed u tallaabaan.

Labada Kuuriya oo farsamo ahaan wali dagaal dhexyaallo ayaa horray u sameeyay barnaamijyo lagu midaynayo dadka wada dhashay, balse tani waa tii u horraysay muddo saddex sano ah.

Dadka Kuuriyada Koonfureed u dhashay ayaa bakhtiyaanasiib ku soo baxay, ka ugu waynna wuxuu jiraa 101 sano.

Haweenay 92 jir ah ayaa saxafiyiinta u sheegtay in ay u socota in ay soo aragto wiilkeeda markii u horraysay tan iyo markii uu dagaalku dhammaaday.

Lee Keum-seom ayaa sheegtay in ay wayday xidhiidhkii wiilkeeda oo markaas afar jir ahaa iyo ninkeeda iyaga oo jahwareersan oo isku dayaya in ay colaadaha ka baxsadaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

“Ismaan lahayn maalin sidan oo kale ah ayaa iman doonta,” ayay tidhii, Mana hubo in uu nool yahay in kale.”

Siddeetan iyo saddex ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay ayaa ka qaybqaadan doona barnaamijkaas midaynta.

Malaayiin dad ah ayay qoysaskoodii ku kala lumeen intii uu socday dagaalkii Kuuriya.

Sannado badan ayay markay xaaladdu degto labada Kuuriya qorshayn jireen in ay dad la soo xulay is booqdaan. 20 kulan oo noocaas oo kale ah ayaana dhacay 18 sano ee la soo dhaafay.

Laakiin dadka xasuusta wakhtigii dagaalku dhacay oo fogaa, qaar badan oo ka mid ah wakhtiga ayaa haya.

Dadkan oo bas ku safraya ayaa mari doona xadka aadka loo ilaaliyo ee buurta Kumgang oo ka mid ah goobaha loo dalxiis tago ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxay Kuuriyada Waqooyi soo joogi doonaan saddex maalmood, balse saacado kooban ayay eheladooda la joogi doonaan maalin walba – guud ahaanna waxay isku noqon doontaa 11 saacadood. Inta badan booqashadooda aad ayaa korka loogala socon doonaa

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Laanqayrta Cas, ayaa qayb ka ahayd booqashadii taariikhiga ahayd ee bishii Abriil dhex martay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Boqol ruux ayaa dal walba laga soo xulay si ay uga qaybqaataan dib u midaynta, qaarkood ayaase safarkaas ka baaqday markii ay ogaadeen in aanay noolayn qaraabadoodii ay rajaynayeen in ay soo arkaan.

Xigasho: BBCSomali