Laanta Af Soomaaliga ee BBC-du Waxa ay Tuurtay Anshaxii iyo Milgihii Saxaafadda

Laanta Af Soomaaliga ee BBC- du waxa ay muddo dheer caadaysatay inay warar been abuur ah ka faafiso Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xilliyo kala duwan looga digay inay ka waantowdo borobagaandada ay ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa wax lala yaabo ah, in idaacadaasi shalay ay Facebook-geeda ku baahisay maqaal ay ka qortay hoos u dhaca lacagta iyo dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay si badheedh ah qormadaas sawir uga dhigeen lacagta Somaliland. Taasi oo gef iyo ihaano ku ah Somaliland.

Sawirka ay maqaalkaas u qaateen BBC-du, waxa weeye mid ka mid ah sarrifleyaasha badhtamaha suuqa Hargeysa ee ka xoogsada isku beddelka lacagaha.

Waxaa sawirkaas lacagta Somaliland iyo ninkaas sarriflaha ah qaaday Wakaaladda wararka ee AFP xilliyo hore oo ay ka warramaysay nabadgelyada Somaliland iyo lacagaha suuqa Hargeysa dhex taalla.

Siday faafisay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland ay tallaabo ka qaadi doontaa laanta af Soomaaliga ee BBC-da oo laasintay gefka iyo jariimadaha ay ka gashay Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa ammaan mudan dadka tirada badan ee sida waddaniyadda leh uga falceliyay sawirka lacagta Somaliland ee BBC-du warka Soomaaliya ugu qaadatay, kuwaasi oo farriimo ay ku naqdiyayaan arrintaas facebook-ga BBC-da ku soo qoray.

Xigasho Telefeeshinka Qaranka Somalilnad

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com