Laba qarax ayaa Kaabuul ruxay 24 saacadood gudahood, waxa ku nafwaayey 35 qof, waxana ku dhaawacmay 267

Qaraxyo awood badan ayaa 24 saacadood gudahood gilgilay magaalo-madaxda Afgaanistaan ee Kaabuul, wadar ahaan waxa ku qudh-baxay 35, waxaana ku dhaawacmay 267 qof.

Qaraxyadan argagaxa badan kii ugu dambeeyey waxa lala beegsaday ciidan booliis ah oo la tabobarayey, halkaas oo 20 ka mid ahi ku geeriyoodeen, 27 kalena ku dhaawacmeen.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Associated Press, nin askarta isku soo ekaysiiyey ayaa ku guulaystay in uu galo kiyuu ay askarta tabobarka qaadanaysay ku jireen, kadibna wuu is qarxiyey.

Wax ka yar 24 saacadood ayaa laga joogaa markii gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxaa uu badhtamaha Kaabuul ku qarxay iyadoo ay halkaa ku naf waayeen 15 oo rayid ahaa isla markaana ay ku dhaawacmeen 240 qof.

Qaraxani wuxu ahaa mid gilgilay guud ahaan Kaabuul, waxana laga maqlay cidhifyada magaalada oo dhan.

Qaraxyadan ba’an waxa sheegtay Daalibaan, iyadoo labadii todobaad ee u dambeeyey uu kooxdan ka dhex jiray khilaaf ba’an kadib markii hoggaamiyahoodii ruuxiga ahaa Sheekh Mulla Maxamed Cumar uu geeriyooday, kii dambena ay ka soo hor jeedsadeen xubno ka mid ah Shuurada Daalibaan.

Warbixin ay shalay soo saartay xukuumadda Afgaanistaan waxa lagu sheegay in sannadkii 2014-kii uu ahaa kii ay rayidkii ugu badnaa ku dhinteen taariikhda Afgaanistaan, waxana la saadaalinayaa sida saansaanta hadda muuqata in sannadkani uu ka sii badan doono.

Halkan kala soco hadba wixii ka soo kordha warkaas.

Bandhige@gmail.com