Ugaadhsiga Saraakiisha ayaa curtay wakhtiyadii uu xukunka ka sii degayey Madaxweyne Daahir Riyaale, waxaana wakhtigaasi askari dil-toogasho ah ku diley Taliyihii ilaalada Madaxtooyada. Balse dilalka saraakiisha ayaa noqday tusbax furtay sannadkii 2015-kii, oo inta badan ay dhaceen dilalku.
Taariikhda Dilalku dhaceen
= Horraantii Sannadkii 2011-kii waxa magaalada Laascaanood askari ka tirsan ciidanku toogasho ku diley Taliyihii ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Sool Marxuun Maxamuud Maxamed Xirsi oo Asad lagu naanaysi jiray. Sidoo kale waxa isla weerarkaasi lagu dhaawacay ku-xigeenkiisii.
= Dabayaaqadii Sannadkii 2014-kii waxa deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool toogasho lagu diley sarkaal la odhan jiray Marxuun Gaashaanle-dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale Mire oo lagu naanaysi jiray Liji. Sarkaalkan ayey toogashadiisu timid markii ay ciidanka Qaranka Soomaalilaan qabsadeen deegaanka Saaxdheer.
= Sannadkii 2014-kii waxa deegaanka Arabsiyo uu askari toogasho ku diley Taliyihii saldhiga degmada Arabsiyo Marxuun Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi Case). Askarigii dilkaasi geystay gacanta ayaa lagu dhigay.
= Dabayaaqadii isla-Sannadkii 2014-kii waxa magaalada Qorilugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle askari toogasho ku diley abaanduulihii Guutada 17-aad marxuun Dhamme Maxamed Yuusuf Aw-Rabaax. Sidoo kale waxa isla-weerarkaasi askarigu toogasho ku diley Taliyihii hawlgelinta ee Guutada 17-aad marxuun Xiddigle Jaamac Bidaar. Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay ayaa gacanta lagu soo dhigin Askariga dilka u geystay labadan sarkaal ayaa hore ugu dhex-xidhnaa xerada ciidanka arrin anshax marin ku saabsan awgeed.
= Horraantii Sannadkii 2015-kii waxa deegaanka Ceelbuh oo ka tirsan Ceerigaabo askari toogasho ku diley laba-Xiddigle Baashe Cabdi Cali oo ahaa Taliyihii Guutada 93-aad saldhiga3-aad ee ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay halkaasi. Askarigii dilka geystay gacanta ayaa lagu dhigay, siday sheegeen ciidanku wakhtigaasi.
= Sannadkii 2015-kii sidoo kale waxa deegaanka Gambadha ee gobolka Sool askari toogasho ku diley laba-Alifle marxuun Caydaruus Cawaale Shaacuur oo ka tirsanaa Guutada 8-aad ee ciidanka Qaranka. Askariga toogasha ku diley sarkaalka ayaa ka tirsanaa isla-guutada 8-aad.
= Badhtamihii Sannadkii 2015-kii waxa magaalada Boorama maalin Barqo ah uu askari toogasho ku diley Marxuun Xiddigle Farxaan Carraale. Sidoo kale wuxuu askarigu dhaawacay Gaashaanle sare Xasan Caqli. Masuuliyiinta dawlada ee gobolka Awdal ayaa warbaahinta la hadlay, oo xaqiiqiyey dilka iyo weliba qabasha gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay.
= 17/12/2015 waxa magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil askari toogasho lagu diley Taliyihii ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil Marxuun Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo). Askarigii dilka geystay waa la qabtay, isla-markaana dil ayaa lagu xukumay
= 30/4/2017 waxa Laascaanood lagu toogtay Taliyihii ciidanka Taraafiga ee gobolka Sool. = Kabtan Cabdirisaaq Yuusuf Casayr taliyihii booliska gobolka Saaxil ayaa la toogay 1/3/2016.
= 29/4/2019 waxa la toogtay Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan taliyihii xabsiga ciidanka Asluubta ee Gar-adag iyo laba Allifle Nuur Aw Cali Nuux taliye ku xigeenkii Booliska ee Gar-adag. = Sarkaal Maxamuud Jaamac Axmed (Ina Jaamac Dhegjar) ayuu askari ku toogtay warshadda kabista ee Hargaysa 13/10/2020
= Gaashaanle C/risaaq Xasan Dalmar ayuu askari toogasho ku diley xerada Goroyo Cawl 26/1/2022. =25/5/ 2023-kii waxa lagu dilay Lawyacado Taliye Khadar Xabeeb Caynaanshe. = Cabaas Maxamed Diiriye taliyihii booliska Gar-adag ayuu askari toogtay 23/7/2021. = Gaashaanle Cabdi Cali Nuur ayuu askari tooray ku diley 18/2/2025.