Lionel Messi ayaa booqasho ku tegay dalka Gaboon

Ciyaaryahanka caanka ah ee u dhashay dalka Arjantiin Lionel Messi una ciyaara kooxda Barcelona ayaa booqasho ku tagay dalka Gaboon oo marti-gelin doona koobka Qaaradda Afrika ee sannadka 2017.

Dadweyne aad u tiro badan oo taageer Messi iyo masuuliyiinta xukuumadda Gaboon oo ugu horeeyo madaxweynaha ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradda.

Lionel Messi iyo madaxweynaha Gaboon Cali Bongo Ondimba ayaa dhagax-dhigay garoon laga dhishi doono caasimadda labaad ee Port Gentil  oo lagu furi koobka Qaaradda Afrika ee 2017.

Madaxweynaha Cali Bongo Ondimba oo ka hadlayey xaflada dhagax dhigida garoonka ayaa waxa uu yidhi:

“Markii aan joogay Barcelona dhawr sano ka hor, waxaan la kulmay Messi ayaa ii sheegay in uu igu soo booqan doono caasimadda Gaboon ee Libreville.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Tani waa balantii uu Messi ii balan qaaday imaanka Gaboon, Isagu waa nin reer sharaf oo oofiyey balantii.”

Garoonkan madaxweyne Cali iyo Messi dhagax-dhigeen ayaa qaadi 20,000 oo qof, waxaan la filayaa in lagu qabto tartan dhamaadka sannadka 2016.

bandhige@gmail.com