Lionel Messi Iyo Mapou Yanga-Mbiwa ayaa waxay isku dhex dagaalay ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka Gamper Trophy

Kooxda Barcelona ayaa ciyaartii kama danbaysta ahayd ku hantiday koobka Gamper Trophy. Barcelona oo ay garoonkeeda marti ugu ahayd kooxa Roma ayaa waxay guushu ku raacday 3:0.

Intii ay ciyaartu socotay waxa garoonka isku dhex dagaalay labada ciyaartoy ee Kale ah Messi iyo Mapou Yanga-Mbiwa ee kooxda Roma uga ciyaara dhinaca difaaca.

Waxa isla markiiba kala qabtay ciyaartoyga Leandro Castan oo u dhowaa, garsoorihii ciyaarta gardaadinayey waxa uu siiyey labada ciyaartoy kaadhka huruuda oo digniin ah.

Xilli ciyaaradkan bilaabmaya bishan Ogos ayaa ugu bilaabmay Messi wakhti dagaal, iyadoo kooxda Barcelona oo haatan haysa Koobka laliigaha la ciyaari doonto ciyaarta furitaanka tartanka 23 ka Ogos kooxda Athletic Bilbao.

Khubaradda ka faalooto ciyaaaraha ayaa sheegtay in dagaalkan Messi ku kacay ay dhaawici doonto sumcaddii oo sannadka doonayo in uu mar kale ku guulaysto xidigga adduunka, oo uu haatan haysto Christian Ronaldo.

bandhige@gmail.com