Lionel Messi wuu ka tagayaa Barcelona

Ugu dambayn Leonel Messi wuu ka huleelay naadiga isbaanishka ah ee FC Barcelona oo uu la joogay muddo 20 sanno ah.

Sannadkii hore ayuun bay ahayd markii la weriyey muran ka dhex qarxay ciyaartoygan u dhashay Argentina iyo FC Barcelona, kaas oo xal loo helay lana moodayey in uu ciyaaryahankani la joogi doono kooxdan ilaa 2026.

Hase ahaatee war-murtiyeed ay xalay soo saartay Barcelona ayay ku sheegtay in Messi iyo Barcelona ay jeclaayeen in ay wada joogaa, laakiin caqabado la xidhiidha dhinaca qaab-dhismeedka dhaqaalaha darteed ay ku suurtogeli wayday. Waxay ciyaaryahanka u rajeeyeen mustaqbal wacan.

Messi ayaa Barcelona heshiiskii koowaad kula saxeexay warqadda afka la iska mariyo ee tissue-ga loo yaqaan sannadkii 2000 wakhtigaas oo uu ahaa 13 jir. Haatan da’diisu waa 34.

Messi ayaa la sheegay in dhawaqa Barcelona uu af-kala-qaad ku noqday, isaga oo doonayey in uu iskala sii joogo Barcelona sannadkan isagoo aan diyaarsan qorshe uu ugu wareegi karo naadi kale.

Naadiga PSG ayaa la sheegay in uu safka hore kaga jiro kuwa bilaabay qorshaha ay ku iibsanayaan ciyaaryahankan ka midka ah kuwii ugu xirfadda sarreeyey ee soo mara taariikhda dunida. Haddii uu u wareego PSG wuxu ka daba tegi doonaa oo halkaa kaga horreeyey saaxiibkii Neymar.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah

Bandhige@gmail.com