Shirkii xukuumadda iyo mucaaradku u ballansanaayeen oo baaqday, maxaase u sabab ah?

Shirkii la filayey in uu maanta mar saddexaad dhex maro xisbiga talada haya iyo xukuumadda oo dhinac ah iyo labada xisbi mucaarid ayaa ugu dambayntii la xaqiijiyey in uu baaqday.

Weriye ka tirsan Bandhige oo subaxnimadii hore eesaraakiil ka tirsan Waddani kula kulmay  Emperial Hotel goor ay tababar u furayeen Tabobarka Garabka Haweenka ee Xisbiga Waddani, ayaa halkaas ka soo ogaaday in ay u badan tahay shirku baaqan doono, warkaas oo ugu dambayntii rumoobay.

Sarkaal ka tirsan madaxda xisbiga Waddani oo diiday in magaciisa la xuso ayaa Bandhige u sheegay in Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo wada-hadallada guddoominayey uu Berbera u baxay, taasina ayay sabab u noqonayso dib-u-dhaca shirka.

Guddoomiyaha Waddani oo goor dambe warbaahinta war siiyey ayaa sheegay in xukuumaddu ka gaco-jiidayso wada-haddalada la xidhiidha dib-u-dhaca doorashooyinka. Wuxu sidoo kale sheegay in rajada ay ka qabaan in wada-hadalladani ay midho-dhalaan ay yar tahay laakiin waddani shirka Salaasada loo balamay ka qaybgeli doono si uu xukuumadda fursad u siiyo.

Xisbiga UCID ayaa isna sheegay in kastoo ay jeclaayeen in shirku uu wakhtigiisii ku qabsoomo haddana ay shirka Salaasadda ka qaybgalayaan maadaama dib-u-dhacu hal maalin ku kooban yahay.

Wixii war ah ee hadba soo kordha kala socda Bandhige.

bandhige@gmail.com