Faallo: Jamaal iyo Faysal iyamaa dhab ahaan murashax u ah UCID?

Saddex sanno kadib markii ay Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan ku biireen UCID isla markaana loogu dhawaaqay in ay yihiin murashaxiinta xisbiga, waxa calaamad su’aal weyni ay hadda fuushay cidda dhab ahaan murashaxa u ah xisbiga UCID.

Waxa la isla dhex marayaa, isa soo taraysa, isla markaana sii xoogaysanaysa in guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu mar saddexaad isku soo sharaxayo madaxweynenimo taas oo haddii ay rumowdo daaqadda ka saari karta Jamaal Cali Xuseen.

Ku-xigeenkii murashaxa madaxweynaha UCID Cabdishiid Xasan Mataan oo Isniintii is casialy wuxu sababta is-casilaaddiisa ku sheegay in guddoomiyaha xisbigu bilaabay ficillo uu ku burburinayo xisbiga isla markaana ay Jamaal isku aragti ka noqon waayeen sida khilaafkaas loo waajahayo. Dad badani waxay aaminsan yihiin in is-casilaadda Cabdirashiid ay wiiqday kaalintii murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen maadaama ay ahaayeen laba murashax oo mar wada goostay tigidh murashaxnimo.

Faysal Cali Waraabe oo toddobaadkan marar dhawr ah warbaahinta waraysi siiyey wuxu sheegay in aanay wali UCID qabsan shirkii Golaha Dhexe si waafaqsan xeer-hoosaadka xisbigooda laakiin murashaxnimadii Jamaal iyo Cabdirashiid ee 2012-kii ay ahayd uun isfahan ama waxa afka qalaad lagu yidhaa “Memorandum of Understanding ” wuxuna sii xoojiyey shakigii la qabay isaga oo si dadban u muujiyey suurto-galnimada in uu murashax noqon karo.

“Waa la is qiimaynayaa waana la tartamayaa” ayuu Faysal VOA-da u sheegay.

Sidoo kale Faysal wuxu xalay waraysi siiyey Horn Cable TV, wuxuna sheegay in aanay murashaxnimadu cidna u xidhnayn laakiin la is qiimayn doono lana tartami doono.

“Ma aayad soo degtay baa jirta oo anniga murashaxnimada ii diidaysa” ayuu yidhi Faysal.

Hase ahaate waxa fikrad taas aad uga duwan qaba Jamaal Cali Xuseen oo aaminsan in murashaxiintii UCID la caleemo-saaray saddex sanno ka hor, sidaas daraadeedna aanay maanta muuqan sabab loo hadal-qaado cidda murashax noqonaysa.  Mar uu badhtamihii bishan ka qayb-qaatay barnaamij Horn Cable TV soo qabanqaabiyo bishiiba laba jeer oo madaxda dadweynuhu su’aalo ku weydiiyaan wuxu yidhi:

“Waxayagii 2012-kii ayaanu qaydhiinka ku qaybsanay. Murashaxiintii UCID-na wakhtigaas ayaa la soo saaray. Ma jiro shir dambe oo la qabanayo oo lagu soo saarayo murashaxiin UCID yeelanayso.”

Su’aalo muhiim ahi waxay yihiin maxaa xilligan keenay khilaafka UCID?

Cabdirashiid Xasan Mataan oo maalintii uu is-casilayey arrinkan ka hadlay wuxu sheegay in xisbi ka mid ah xisbiyada siyaasaddu uu arrinkan dabada ka riixayo taas oo ay dad door ah oo Bandhige wax ka waydiiyey u fasirteen in uu ula jeedo Kulmiye.

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey is-casilaaddii Cabdirashiid ayaa isaguna tibaaxay in xisbi kale looga gacan-haadiyey, kaas oo ay u badan tahay in uu u jeeday Waddani. Labadan arragtiyood waxay inoo iftiiminayaan in xisbiyada kale aanay ka gacan madhnayn khilaafkan UCID, xisbi kastaana uu doonayo in ay UCID ka soo baxdo natiijo isaga dan u ah.

Jamaal Cali Xuseen ayaa la sheegay in uu dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Qaranka taas oo ka dhan ah guddoomiye Faysal, hase ahaatee dad is-xilqaamay ayaa dacwaddaas hakiyey, waxana arrinkii looga wareegay dhinaca dhaqanka iyadoo shalay ilaa darraad ay Hargeysa ka socdeen dhaqdhaqaaqyo beelaysan oo lagu doonayo in lagu xakameeyo khilaafka UCID, laguna sugo cidda murashaxa ah.

Waxa shirar iyo gar-naqsi dhex marayey xubno ka mid ah beel-hoosaadyada Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe. Hase ahaatee sida aanu wararka ku helnay wada-xaajoodkaas waa la isku af-garan waayey, Guddoomiye Faysal wuxu shalay u baxay safar dalka dibeddiisa ah.

Dhaqdhaqaaqyadan sharciga xisbiyada ka baxsan iyo isku-haysashada cusub ee murashaxnimada UCID waxa ay mar kale ina tusayaan sida aanay weli u adkayn shuruucda maaraysa xisbiyada siyaasadda ee Somaliland, waxanay sii xoojinayaan aragtidii ay dad badani qabeen ee ahayd in xisbiyadu yihiin ururro qabiil oo shaadh dimuqraadiyadeed loo geliyey.

Su’aasheena ugu dambaysa uguna muhiimsani waxa weeyi, yaa UCID murashax madaxweyne u noqon doona?

Su’aashaas jawaabteeda hadda lama saadaalin karo. Haddii uu Jamaal ku adkaado sii haysashada jagadan lama filayo in shaxda siyaasadda xisbiyada isbeddel weyni ku yimaad, haddiise uu Faysal hanto, murashax cusub oo madaxweyne-xigeen ahna doorto, waxay taasi saamayn weyn ku yeelan doontaa taageereyaasha UCID iyadoo ay dhici karo in badan oo hore u taageeri jirtay xisbigan in ay meesha ka baxaan in badan oo cusubina ay soo korodho. Sidoo kale, waxay saamayn ku yeelan doontaa cududda taageerada labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadda.

La arkee sida ay wax u dhacaan ayaamaha soo socda!

Bandhige@gmail.com