Ma dhabbaa Faysal Cali Waraabe wuxu rasmi u shaacinayaa in uu sharaxan yahay?

Warar hoose oo Bandhige soo gaadhaya ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo todobaadkii ugu dambeeyey socday oo la doonayey in Guddoomiye Faysal lagu oggolaysiiyo in uu Jamaal Cali Xuseen ahaado murashaxa rasmiga ah ee UCID ayaa fashilmay, sidaas daraadeedna laga yaabo in uu Faysal Cali Waraabe shaaciyo murashaxnimadiisa inta ka horaysa bilawga sannadka cusub.

Jamaal Cali Xuseen ayaa toddobaadkii ina dhaafay wararku sheegayaan in uu abaabulay odayaal beeshiisa ah kuwaas oo la gar-dhigan kara odayaasha beesha Faysal Cali Waraabe.

Wararku waxay ay sheegayaan in odayaasha labada dhinac ay isla fahmeen in Jamaal Cali Xusee loo daayo murashaxnimada hase ahaatee shir Jimcihii ka dhacay Dalxiis huteel oo dhex Maray Faysal Cali Waraabe iyo odayaasha deegaankiisa ayaa natiijo la’aan dhammaaday. Waxa la sheegay in Faysal Cali Waraabe ku adkaystay in uu sharaxan yahay laakiin odayaashu ay ka diideen.

Faysal wuxu shirkaas ka sheegay in xisbigiisu yahay mid qaran, murashaxnimadiisa sharci hor joogsanayaana aanu jirin sidaas daraadeed uu isagu sharaxan yahay isla markaana aanu beel gaar ah u sharaxnayn laakiin uu u sharaxan yahay qaranka Somaliland oo dhan.

Saddex sanno kadib markii uu Jamaal Cali Xuseen ku biiray UCID isla markaana loogu dhawaaqay in uu yahay murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga, waxa beryihii ugu dambaysay calaamad su’aal weyni saarnayd cidda dhab ahaan murashaxa u ah xisbiga UCID.

Ku-xigeenkii murashaxa madaxweynaha UCID Cabdishiid Xasan Mataan oo dhawaan is casialy wuxu sababta is-casilaaddiisa ku sheegay in guddoomiyaha xisbigu bilaabay ficillo uu ku burburinayo xisbiga isla markaana ay Jamaal isku aragti ka noqon waayeen sida khilaafkaas loo waajahayo. Dad badani waxay aaminsan yihiin in is-casilaaddii Cabdirashiid ay wiiqday kaalintii murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen maadaama ay ahaayeen laba murashax oo mar wada goostay tigidh murashaxnimo.

Faysal Cali Waraabe oo  marar dhawr ah warbaahinta waraysi siiyey wuxu sheegay in aanay wali UCID qabsan shirkii Golaha Dhexe si waafaqsan xeer-hoosaadka xisbigooda laakiin murashaxnimadii Jamaal ee 2012-kii ay ahayd uun isfahan ama waxa afka qalaad lagu yidhaa “Memorandum of Understanding. ” Wuxuna ku celceliyaa weedha ah “Waa la is qiimaynayaa waana la tartamayaa” taas oo dad badan u muujisay murashaxnimadiisa.

Hase ahaate waxa fikrad taas aad uga duwan qaba Jamaal Cali Xuseen oo aaminsan in murashaxii madaxweynenimo ee UCID la caleemo-saaray saddex sanno ka hor, sidaas daraadeedna aanay maanta muuqan sabab sabab jagadan isaga loogu qabsado.

Haddii uu Faysal Cali Waraabe mar saddexaad ku guulaysto in uu murashax u noqdo xisbigiisa, waxa la saadaalinayaa in ay taasi saamayn weyn ku yeelato taageerada ay kala helayaan xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, iyadoo ay hadal-hayntu u badan tahay in murashaxnimada Faysal ay hantaaq ku noqon doonto taageerada Waddani.

Haddiise uu Jamaal ku adkaado sii haysashada jagadan lama filayo in shaxda siyaasadda xisbiyada isbeddel weyni ku yimaad.

La arkee sida ay wax u dhacaan ayaamaha soo socda!

Bandhige@gmail.com