Ma dhabbaa in BBC-du shaqada ka joojisay Weriye Catoosh?

BBC-da ayaa shalay shaacisay in weriye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ka mid ah weriyeyaasha haatan ugu caansan laanta Af-Soomaaliga uu muddo sannad ah ka ruqsaystay idaacaddan guunka ah ee Soomaalidu sida weyn ugu xidhan tahay.

Wargeyska Saxansaxo ee ka soo baxa Hargeysa ayaa cadadkiisii maanta bogga hore ku daabacay in warar hoose oo uu wargeysku helay ay ku ogaadeen in maamulka BBC-du ay Cabdirisaaq Catoosh ku khasbeen in uu ruqsaysto oo uu shaqada ka fadhiisto kadib markii isaga iyo weriyeyaal kale oo aan wali magacyadooda la tibaaxin ay jebiyeen shuruucda u taalla BBC-da.

Gaar ahaan, wargeyska Saxansaxo wuxu sheegay in Cabdirisaaq Catoosh loo haysto xidhiidh aan sharciga BBC-da waafaqsanayn oo uu la lahaa maamulkii Cabdi Iley ee dhawaan xilka laga tuuray.

Warka Saxansaxo ayaa u muuqda mid xaqiiqada u dhaw. Sababtoo ah caado ma ahayn in BBC-du ay shaaciso weriyeyaasheeda fasaxa gala ama kuwa shaqada ka ruqsaysta. Sidaa daraadeed warka la soo dhigay bogga BBC-da dad badani waxay u fasirteen in si dadban dhagaysteyaasha loo wareglinayo in aanu Cabdirisaaq X. Catoosh haatan ka tirsanayn BBC-da.

Waxa iyaduna shaki labaad abuurtay qoraalka BBC-da oo ay la socotay weedh qofba dhinac u jiitay oo ah:

“Madaxa laanta af-Soomaaliga ee BBC Cabdullaahi Cabdi Sheekh wuxuu sheegay in dhageystayaasha ay la socodsiin doonaan haddii uu isbeddel ku yimaaddo xilliga uu Catoosh soo noqonayo.”

Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi, mar haddii uu weriyuhu muddo sannad ah ruqsaystay maxaa keenay in la yidhaa haddii ay wax iska beddelaan waa la idinla socodsiin? Ma baadhitaan ayaa ku socda oo la dhawrayaa dhinaca uu u dhacayo.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani haddii ay xaqiiqo tahay waxay diginin iyo waano dadban u tahay wariyeyayaasha xirfaddooda uga faa’iidaysta dano gaar ah oo aan waafaqsanayn anshaxa iyo shuruucda saxaafadda.

Bandhige@gmail.com