Ma dhabbaa in Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn samaynayo, maxaase looga baahan yahay?

Wargeysaka Waaheen ayaa maanta daabcay in la filayo in Madaxweyne Siilaanyo uu isku-shaandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirrada iyo taliyeyaasha ciidamada. Wargeysku wuxu sababta isku shaandhaynta la xidhiidhiyey helitaanka xubno daacad u ah xisbul-xaakimka.

Haddii uu warkani rasmi noqdo waxay noqonaysaa isku-shaandhayntii saddexaad ee muddo ka yar afar bilood uu madaxweyne Siilaanyo sameeyo iyada oo uu isku shaandhayn sameeyey wax yar uun ka hor intii aanay 10-kii wasiir is casilin, haddana uu buuxiyey wasiirraddii is casilay jagooyinkoodii, magacaabay wasiiru-dawleyaal tiro badan haddana uu dhawaan isku-beddel ku sameeyey agaasimeyaasha iyo badhasaabyada gobollada.

Isku-shaandhayntu waa hab-dhaqan dawladaha dunidu leeyihiin. Waxa la sameeyaa marka ay muddo soo wareegtaba iyada oo loo adeegsado ujeeddooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dardargelinta maalmulka si aanay adeegeyaashu isku dhigan, toosinta hay’adaha maamulkoodu xagal-daacay, maaraynta khilaaf xisbiga dhexdiisa ah iyo ku-hubsashada qof kastaa mansabka uu ku habboon yahay. Mararka qaar, dunida saddexaad ha u badnaatee, isku-shaandhaynta waxa loo adeegsadaa sidii hoggaamiyaha wakhtigaas mindida daabkeeda hayaa uu mamulkiisa uga wada dhigi lahaa dad isaga u daacad ah haddii ay doonaan tayadoodu haba liidato’e.

Xisbi kasta oo la doortay xaq buu u leeyahay in uu xukuumaddiisa ku badiyo xubno u daacad ah ajandaha xisbiga. Hase ahaatee isku-shaandhayn joogto ahi waxay astaan u noqon karta xasilooni-darro xukuumadeed waxayna kalsooni darro ku abuuraysaa adeegeyaasha maamulka iyada oo masuul waliba ka shakiyi karo in seeftu la tegi doonto.

Dadka arrimaha maamulka aqoonta durugsan u leh waxay tibaaxaan in aanay shaqadu ku wanaagsanayn is-beddel maamul iyo wejiyo cusub oo joogto ah. Waxay tani keentaa xidhiidho luma, dib-u-dhac shaqo soo noqnoqda iyo sidoo kale adeegaha iyo loo-adeegaha oo kala xidhiidh furta. Haddii aad eegto xukuumadaha waayo-aragga ah ee dunida, inta badan wasiirradu waa ay la dhammaystaan xilliga xukuumadda.

Tusaale ahaan Itoobiya iyo Jabuuti oo agteena ah waa dhif inta aad maqlayso wasiirro jagooyinkoodii joogto loogu  kala beddelayo. Maraykanka iyo Ingiriiska oo loo tiriyo waayo-aragnimo dhinaca maamulka ah inta badan wasiirradu waa ay la dhamaystaan xukuumadda la doortay wakhtigeeda.

Madaxweyne Siilaanyo haddii ay dhab tahay in uu mar kale isku shaandhayn samaynayo waxa loo baahan yahay in uu isku miisaamo go’aannada siyaasadda iyo baahida loo qabo horumar xidhiidhsan. Waxa habboon in uu markan aad uga fiirsado masuul kasta iyo meesha uu gaynayo kuna talo galo in ay tani noqoto isku-shaandhayntii ugu dambaysay xukuumaddiisa si sannadka u hadhay loo helo xasillooni-maamul iyo adeegeyaal shaqeeya iyaga oo aan daba-ka-werwer qabin si wax-qabadka xukuumaddu u noqdo mid joogto ah oo is biirsanaya.

Bandhige@gmail.com