Ma dhabbaa in uu is casili doono Guddoomiye Cirro?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa laga yaabaa in uu is casilo kadib markii muddo dheer lagu eedaynayey in uu qayb ka yahay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u samaysay xukuumadda iyo Wakiillada ee muranka siyaasaddeed dhalisay.

Xukuumaddu waxay ku dooddaa in Cabdiraxmaan Cirro kursigiisu muddo-dhaafay shan sanno iyo dheeraad taas daraadeedna aanu ka hadli karin Madaxweynaha oo la filayo in uu muddo-dhaafo 22 bilood.

Sida ay baahisay shabakadda wararka ee Hadhwanaag, xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah Golaha Wakiillada, kana soo jeeda Goboka Sool, ayaa shaaciyey in Guddoomiye Cirro ka fikirayo in uu isla casilo sidaas daraadeedna uu isagu isku soo sharixi doono jagadan Guddoomiyaha Wakiillada kadib marka uu baneeyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Hase ahaatee Cabdiraxmaan-Cirro ayaan weli laga hayn war sugan oo arrintan la xidhiidha kaas oo si cad u sheegaya in uu iscasili doono iyo maalinta uu iscasili doono haddiiba uu ka fikirayo in uu is casilo.

Shir-saxaafadeed uu maalin dhowayd ku qabtay Hudheelka Ambassador Guddoomiye Cirro oo wuxu  si adag uga  jawaabay eedaymo uu u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo khuseeyay arrimaha dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha, Wakiillada iyo Guurtida, ayaa sheegay in uu jagada banaynayo haddi Madaxweyne Siilaanyo shaaciyo wakhtiga doorashada, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Wax waliba waxay leeyihiin wakhti, waxaan soo jeedinay wakhtigii doorashada in la qabo, ummadda aan kuraasida u bannayno, kayga iyo kiisaba xaq bay noogu leeyihiin in aanu bannayno, markaa dib-u-dhaca doorashada masuuliyaddeedu dusha ka saaran tahay Madaxwaynaha.”

Intii ka danbaysay shir-saxaafadeedkan uu Guddoomiye Cirro kaga jawaabay eedaymaha Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey ayay soo badatay hadal-haynta iscasilaada Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu.

Maalmahan soo socda ayaa la ogaan doonaa sida wixii ka run ah warkan iyo saamaynta siyaasadeed ee ka dhallan karta haddii uu Guddoomiye Cirro banneyo jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

bandhige@gmail.com