Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga waxa laga xusay dunida oo dhan

Maanta oo kale, sannad kasta waxa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga  oo Qaramada Midoobay astaysay sannadkii 2000 sharfo dadka lagu qasbay in ay ka cararaan dalalkoodii sababo la xidhiidha cabsi, cadaadis iyo colaado.

Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegay in sannadkan la xusayo Maalinta Qaxootiga iyadoo ay jiraan tiradii ugu badnay ee qaxoontiga, magangalyo doonka, iyo dadka gudaha ku barakacay adduunka, taas oo muujinaysa in dunidu isku beddeshay meel fowdo ah.

War bixin cusub oo soo saartay Qaramada Midoobay Jimcihii ayaa lagu sheegay in tirada qaxootiga iyo barakacayaashu  ay 2014-kii gaadhayeen 59.5 milyan, iyadoo sannad ka hor ay ahaayeen 51.2 milyan, halka ay toban sanno ka hor ka ahaayeen 37.5 milyan.

Sida lagu sheegay warbixinta, tirada qaxootiga adduunka ayaa gaadhaysa 19.5 milyan, halka 38.2 milyan ay ku barakaceen gudaha waddamada ay u dhasheen, halka 1.8 milyam ay yihiin magangalyo-doon.

Guud ahaan caalaamka, mid ka mid ah ayaa ah qaxoonti, dalka gudihiisa ku barakacay ama magangalyo 122kii qof ee dunidda ku nool.

Melissa Fleming oo ah afhayeenka UNHCR ayaa sheegtay in wax badan laga qabtay si loola dagaalamo dhibaatooyinkan qaxootiga oo ah kuwo aan noocooda hore loo arag.

Fleming, iyadoo hadalkeedii sii wadatana waxay tidhi “tirada xad dhaafka ee barakayaasha dunida ee wakhtigani waxay ku tusaysaa dunidii oo fowdo ah. Waxa loo baahan baahan yahay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ay la yimaadaan qorshayaa siyaasadeed oo lagu joojin karo ama lagaga hortago colaadaha.”

Waxay kale oo ay sheegtay inay ka cabsi qabaan hoos-u-dhac ku yimaad dhaqaalaha ay helaan si ay wax uga qabtaan arrimaha qaxootiga. Isbedelka dhaqaalaha dunida ku yimid haddii uu sidan u sii socdao, waxa dhici karto mar waxba laga qaban kari waayo baahiyaha aasaasiga ah ee dhaqaalaha dunida.

Korodhka tirada barakacayaasha ayaa loo sababaynayaa dagaalka ka socda waddanka Suuriya, kuwaas oo 4 milyan iyo dheeraad qaxooti ay ku jiraan xeryo qaxoonti, halka 7.6 milyam ay ku barakaceen waddanka gudihiisa.

bandhige@gmail.com