Maalintii koowaad ee ololaha xisbiga Kulmiye ayaa si weyn la isugu soo baxay magaalooyinka Somaliland

Kumanaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ah ayaa dhammaan magaalooyinka Hargeysa isku soo baxay si ay u muujiyaan taageerada xisbigaas iyadoo ay maanta ahayd maalintii koowaad ee ololaha xisbiga.

Magaalada Burco waxa fagaaraha dadweynaha kala qayb-galay madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo madax kale oo Kulmiye ah.

Magaalada Hargeysa waxa dadweynaha beerta xorriyadda kala hadlay Guddoomiyaha xisbiga ahna murashaxa madaxweynahaKulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Midabada akhtarka iyo huruudda ee xisbiga Kulmiye caan ku yahay ayaa lagu arkayey goobaha ololaha iyo guud ahaan magaalooyinka Somaliland.

Hoos ka daawo sawirrada ololaha.