Maamulka sarre ee hay’adda dekadda JSL iyo wakiillada Maraakiibta ayaa maanta ku shiray xafiiska maareeyaha guud ee dekadda Somaliland

Maamulka sarre ee hay’adda dekadda JSL iyo wakiillada Maraakiibta ayaa maanta ku shiray xafiiska maareeyaha guud ee dekadda Somaliland.

Shirkan ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay xaaladdaha ammaandarro ee ka soo kordhay Badda-cas iyo Marinka Baabul-mandab.

Sidoo kale waxa warkan ka soo baxay hay’adda dekaddaha Somaliland lagu sheegay in xaaladaha soo kordhay ay sababan in shirkado waa wayn oo kuwa Koonteenarada qaada ahi ay hakiyaan shaqadoodii, gaar ahaan kuwa isticmaala Marinka Suways.

Gaba-gabadii waxa warkan lagu sheegay in saamaynta taban ee ay Qarankeenna ku yeelan doonta waxay noqonaysa in shirkadahaasi kordhiyaan noolka Koonteenarada ay ku soo qaadaan, maaddama oo shirkadaha caymisku ay kordhiyeen kharashka caymiska maraakiibta, khatarta soo korodhay darteed.