Maamulka Trump wuxu shaqaday 100 qof oo ka qayb-galay banaan-baxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne

 

In ka badan 100 qof ayaa shaqadooda ku waayay bannaan bax ay ka qeyb-galeen oo looga soo horjeeday go’aan uu gaadhay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Dibadbaxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday go’aan uu Trump ku mamnuucay qaxootiga ka socdo todobo dal oo Muslimiin ah, sida warbaahinta dalkaas ay sheegayaan.

Tobannaan qof oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha dhismaha iyo kuwa maqaayadaha ayaa shaqada laga ceydhiyay ka dib markii hal maalin ay ka maqnaayeen shaqadooda.

Ujeedada isu soo baxa wuxuu ahaa in lagu muujiyo waxtarka soo galootiga ay ku leeyihiin Maraykanka.

Mid ka mid ah maamulayaasha ayaa CNN u sheegay in shaqaalihiisa ay heli doonaan qiimaha waxa ay u istaageen ee ay aaminsan yihiin.

Jim Serowski, oo ah madaxa Warshad ku taalla Colorado, ayaa sheegay in uusan ka shalayneynin in uu shaqada ka ceydhiyay 30 qof oo farsamo yaqaanno ah.

“Waan ugu digay, haddii aad sidan sameyso waxaad dhaawaceysaa shirkadda, haddii aad taageerto waxa ay kooxda rabaan, ka mid ma ahid”, ayaa laga soo xigtay asigoo dhahaya.

Tirada rasmiga ah ee dadka shaqada waayay lama garan karo, laakiin warbaahinta Maraykanka waxay soo gudbinayaan dad badan oo shaqada laga ceydhiyay.

Dadka shaqada waayay waxa ka mid ah 12 qof oo ka shaqeynayay maqaayad ku taalla Tulsa, Oklahoma iyo 18 qof oo ka shaqeynayay shirkad sameyso rinjiyeynta guryaha iyo qalabka oo ku taalla Nolensville, Tennessee.

Ganacsiga iyo iskuullada ku yaalla dhammaan gobollada Maraykanka waxay galeen khal-khal maalintii dibadbaxa, maadaama shaqaalaha iyo ardeydaba ay ka qeybgaleen isu soo baxa.

Donald Trump ayaa tobaadkii la soo dhaafay sheegay in uu soo saari doono dikreeto cusub oo la xidhiidha safarka ay Maraykanka ku galaan dadka ka soo jeeda todobo dal oo Muslimiin ah.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan laanta socdaalka oo sheegaya in amarka cusub la saari doono dalalkii horey loo xayiray ee Eeraan, Ciraaq, Soomaaliya, Suuriya, Yaman, Suudaan iyo Liibiya.

Dibad-baxyada waxay ka dhaceen magaalooyiin kale duwan sida New York, waxaana lagu taaageerayay Muslimiinta. Waxaa laga soo horjeeday go’aamada Trump ee Muslimka ka dhanka ah.

Kumannaan qof ayaa la filayaa in Isniinta ay isugu soo baxaan Washington. madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa maalintaas ku noqonaya shaqada ka dib fasax uu u aaday Florida.

bandhige@gmail.com