Maamulka Wajaale iyo Guddida Ganacsatada Wajaale oo 50 booyadood gaadhsiiyey dadka abaaruhu saameeyeen ee u soo baro-kacay Wajaale

 

Maamulka Wajaale iyo  Guddida Ganacsata Wajaale ayaa gurmadbar 50 booyadood ah gaadhsiiyey dadka ka soo baro-kacay abaaraha bariga kuna soo baro-kacay banka Wajaale.

Ku-xigeenka Duqa Wajaale Mursal Nuux Cismaan ayaa u mahadceliyey culimada iyo ganacsatada Wajaale gurmadka ay ka gaysteen masiibada abaaraha iyo sida ay ugu damqadeen walaalahooda u soo hayaamay ee ka soo baro-kacay abaaraha.

Sidan waxa ku soo warramay Ayaanle Xaaji oo ah wariyaha Bulsho TV u fadhiya gobolka Gabiley.

Hoos ka daawo muuqaal ku saabsan warkan.