Maareeyaha keydka haamaha shidaalka ayaa beeniyey in shirkada lagu wareejinayo

 

Maareeyaha keydka haamaha shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid ayaa waxba kama jiraan ku tilmaayey wararka sheegaya in la wareejinaayo keydka haamaha shidaalka Berbera.

Mareeyaha haamaha shidaalka oo maanta saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax alaale wax uu ka ogyahay arrintaasi, hase ahaatee ay wax waliba u socdaan sidii madaxweynaha qaranku ku amray inay u socdaan, Maareeyaha oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi .

‘’Anaga wax nasoo gaadhay mahayno, wax waliba waa sideedii, haamahana wax iska badalay ma jiraan, dadkani iyaga uun baa iska hadal haya oo wareejintani baryahanba suuqa ayay iska jirtaa, wax aanu wareejinayna ma jiraan hadalkaasina waa kii suuqa, anaguna wali warkaa ma hayno.”

Mareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray:

“Keydka haamaha shidaalka Berbera aniga ayaa ka masuula, runtii anigana wax war ah oo wareejin ah oo isoo gaadhayna ma jiro, kolay shirkaduhuna waxay ka mid yihiin ganacsatada aanu u shaqayno, laakiin waxaan ka ogahay arrinaataasi ma jirto, wax sabab ah oo meesha yaala oo loo wareejinaayana anigu garan maayo.”

Dhinaca kale Maareeyaha oo ka waramaya in ay wali gacanta ku hayaan masuuliyadii keydka haamaha shidaalka balse aanay jirin wax dhukumenti ah iyo wax wareejin ah oo cadaynaya in lagu wareejinaayo keydka haamaha Shirkado, Waxaanu yidhi:

‘’Wax dhukumenti ah iyo wax cadayn ah oo isoo gaadhay ma jiraan, hase ahaatee waxaanu wali ku shaqaynaa habkii uu na faray Madaxweynaha qaranku ee uu nagu ogaa, Shaqaduna sidii loogu tallo galay ayay u socotaa, shirkaduhuna shaqadoodii ayay haystaan.”

Mar uu ka hadlaayey Maareeyuhu Xildhibaanada sheegay in keydka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejinaayo Shirkado kuwaasi oo ku dooday in Wasiirka Ganacsigu sheegay waxa uu yidhi:

“Waxaanu wareejin doonaa marka amarka dawladu isoo gaadho ee aan hello dhukumenti cadaan ah, laakiin se hada wax war ah oo aan hayaa ma jirto, Wasiirkuna hadii uu heshiis waddo waa wali oo waa wax aan isoo gaadhin wali.”

Waxa baryahanba magaalooyinka waaweyn ee Somaliland la isla dhex qaadayay warar sheegayey in keydka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejinaayo shirkado, hase ahaatee uu Mareeyaha keydka haamaha shidaalku uu maanta beeniyey arrintaasi.

bandhige@gmail.com