Hargeysa oo soo food saartay biyo la’aan baahsani sannadka ayaa waxa uu Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siciid Yoonis kaga waramay halka uu mariyo mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa waraysi uu siiyey qaar ka mid warbaahinta.
Maareeyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Sida aynu la wada socono wakaalada Hargeysa ee biyuhu waxay dawlada uga masuul tahay in dadweynaha caasimada ku dhaqani ay biyo nadiif ah oo jaban ay gaadhsiiso taasoo la isku halayn karo. Waxaanan ognahay wakaalada biyaha ee Hargeysa asaaskeedii ugu horeeyey waxa uu ahaa 1972, hada systemkan aynu isticmaalo waxa loogu tallo galay inay ka cabaan, boqol iyo konton kun 150,000 qof, maanta waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin Hargeysa milyan iyo labba boqol oo qof 1200,000 waayo Hargeysi waxay noqotay bayskii dawlada, kii ganacsatada, iyo kii ha’yadaha wadanka jooga oo dhan, sidoo kale Hargeysa waxay noqotay meesha kaliya ee ay dadka qurba jooga ahi soo abaaraan ee ay yimaadaan.”
Maareeyahay oo ka hadlayey sida ay Hargeysi u balaadhantayna waxa uu soo qaatay daraasad aanu sheegin meel uu ka soo xigtay oo sheegay in ay Hargeysa ka mid tahay magaalooyinka koritaanka badan ee Afrika, isagoo ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Hargeysi waxay ka mid tahay meelaha Afrika ugu koritaanka badan leh xaga dadka waxaa lagu qiyaasaa in 4% ilaa 6% uu sannadkii yahay koritaankeedu, oo ah number aad u badan marka loo eego sida ay magaalooyinka kale u koraan adduunka meelaha ugu koritaanka badan waa Afrika iyo Eeshiya, markaa magaalooyinka Africa ee koritaankoodu aadka u sareeyo ayay Hargeysina ka mid tahay. Nasiib daro lamay jaan qaadin systemkii biyuhu koritaanka uu dadweynuhu koraayay, nasiib daro laakiin waxa uu wanaagu ahaa qof kasta oo ku soo biira dadweynuhu inay biyihiisuna la soo biiraan, systemka aanu maanta ku shaqaynaana waa kii loogu tallo galay inay ka cabaan boqol iyo kontonka kun ee qof 150,000.”
Dhinaca kale maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa ibraahim siyaad yoonis ayaa waxa kale oo uu sheegay, inay gacanta ku hayaan mashaariico kale oo dhinaca biyo balaadhinta ah, oo ay wakhtixaadirkan meelo badan ka wadaan iyo sida ay magaaladu biyahay u cabto, maareeyaha oo arrimaahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Anagu waxaanu shaqaynaa 23 saacadood, markaa 23-kaa saacadood ee ay socoto qaybintu biyuhu, markaa xaafad waliba wakhti ayay leedahay oo jadwal ayaanu ku shaqaynaa, meelaha ugu badan waxay biyuhu ka maqnaadaan saddex cisho. Saddexdaa cisho lafteeda ee ay biyuhu ka maqan yihiin ayaa waxa dhacda mar mar in la yidhaahdo kaag hebel saacadaasi xidh kaag hebelna saacadaasi xidh, markaa wax dhacda mar mar xaafadii saddexda cisho biyuhu ka maqnaayeen iyada oo aan biyihii si wanaagsan u dhaansan laga xidho.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Laakiin imika nasiib wanaag labadii wiig ee u dambeeyey wax badan ayaanu ka badalnay systemkii biyaha loo qaybin jiray, iyo inaanu waxoogaa isku dayno inaanu biyihii kordhino, kolay dadweynuhuna way ka makhraati kici doonaane, in intii ay biyuhu marka horeba ay ugu jireen ee hili jirtay, baryihii dhawaydna dhibaatada badani ay ka dhacday ee aad ka looga qayliyey, ay cabashadoodii labbadii wiig ee ugu dambeeyey ay aamustay, taas oo aanu isleenay wax badan ayaad ka qabateen labbdii wiig ee u dambeeyey. Waxaan u sheegayaa kuwa kale ee aan biyaha helina sidaanu horeba idiinku sheegnay hawl weyn ayaanu gacanta ku haynaa, biyo balaadhintii Hargeysa oo ay lacagtiisa bixisay midawga yurub, qaybta labbaadna waxa ku soo daraysa sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaana fulinaysa hay’ada UN-Habitat, mashruucaasi wuu bilaabmay wakhti badana wuu qaatay sababo badan dartood, hase ahaatee imika wax waliba way soo dhamaadeen, oo hada labbadii ceel ee ugu horeeyey waa la qoday, wiixi qalab ah ee loo baahnaana waa la soo wadda iibiyey oo way yaalaan, shirkadii dhisaysayna way joogtaa dhawrkii bilood ee ugu dambeeyeyba waddanka way joogtay, qodistii iyo xidh xidhkiina waatii la bilaabay, imika ilaa inta aan ogahay saddex meelood ayaa laga bilaabi lahaa shaqada, oo teamkii koowaad ayaa hadda shaqada bilaabay oo meel wanaagsan marinayaan, imika ilaa 600 mitir ayaa hada la xidhay maalin walbana way shaqeeyaan.”
Hadalka Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa ayaa imanaya ka dib markii ay Hargeysa ay soo foodsaartay biyo la’aan baahsan todobaadyadii ina dhaafay. Wakhtigaas Hargeysa laga dareemay biyo la’aan ayaa waxa baraha bulshadu kuwada xidhiidho lagu falanqaynayey biyo la’aanta Hargaysa iyo sawir laga qaaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo jooga Ingiriis meel har ah oo biyo fadhiyaan shimbiro hadhuudh ugu daadinaya.
Sidoo kale dad badan oo falanqayntaa ka qayb qaatay ayaa ku tilmaamay mid tamashlayn oo Maareeyuhu ku joogay Ingiriiska, hase yeeshee Maareeyaha ayaa wax jawaab ah ka bixin arrintaas baraha bulshada lagu falanqeeyey.