Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Berbera ayaa Kormeer Shaqo ku Tagay Ceelasha Biyaha Deegaanka Kala-jab ee Magaalada Berbera.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Berbera ayaa Kormeer Shaqo ku Tagay Ceelasha Biyaha Deegaanka Kala-jab ee Magaalada Berbera.

Hawlwadeenada goobta shaqada joogay ayaa Maareeyaha iyo masuuliyiinta la socotay ka siiyay warbixin, waxaanay sheegeen in mashruucani uu hadda dhammaad ku dhaw yahay, isla markaana dhawaan laga faa’idaysan doono.

Dhinaca kale waxa ay xuseen in mashruucu uu yahay laba qaybood oo kala ah mid laga dhalinyo Tamarta Cadceeda si loo yareeyo shidaalka la iscticmaalo iyo laba kiiloomitir oo beebab biyaha qaada lasoo dhigayo dhulka si ay magaalada biyaha usoo gaadhsiiyaan.

Gaba-gabdii maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Berbera ayaa ayaa uga mahadceliyay hawlawadeenada iyo khubarada wakaallada biyaha ee mashruucaasi faraha ku haya.