Maareeyaha wakaaladda horumarinta wadooyinka ayaa kormeer kusoo sameeyay wadada isku xidha Ceerigaabo illaa maydh ee Madar Mooge, taas oo shaqadeedu socoto.

Wadadan Madar Mooge oo ay dhismeheeda fulinayso shirad maxali ah ayaa waxa maal-geliyay baanka horurumarinta Afrika, iyadoo dhaqaalaha ku baxaayana baankaasi soo mariyay hay’adda caalamiga ah ee Save the Children, iyadoo wakaaladda horumarinta wadooyinka Somaliland-na leedahay kor joogtaynta sida shaqada wadadaasi u socoto.

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim ayaa wuxuu u koor-galay halka ay marayso hawsha dhisamaha wadadaasi, waxaanuu warbixino ka dhageystay masuuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa.

Maareeye Eng. Mawliid Nuux wuxuu hawl-wadeenada dhismaha wadadaas gacanta ku haya uu ku dhiiri-galiyay in ay dar-dar galiyaan dhisamaha wadadaas, oo ah waddo muhiim ah.

Eng. Mawliid Nuux maareeyaha wakaaladda horumarinta wadooyinka Sopmaliland waxa kormeerkaas ku wehelinaayay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda ahna madaxa Mashruuca Wadada Burco-Ceerigaabo Khadar Cali Caarshe iyo masuuliyiin kale.