Maayarka magaalo-madaxda 2aad ee Ingiriiska oo xafiiskiisa ku qaabilay Maayar-xigeenka Hargeysa

Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Somaliland ayaa caawa fiidkii baahiyey war-saxaafadeed lagu sheegay in maayor-ka Birmingham uu xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka maayarka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed “Cagawayne.”

Kulankani wuxu qayb ka yahay kullano uu todobaadyadii ugu dambeeyey la qaadanayey maayor-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne madaxda dawladaha hoose ee Ingiriiska.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Lord Maayirka Caasimada 2aad ee Ingiriiska Councillor Raymond Hassall oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayir ku Xigeenka caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdicasiis Caga weyne

Birmingham () Waxaa maanta magaalada Birmingham booqasho ku yimi Maayir ku xigeenka Casimada Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo beryahanba booqasho ku joogay dal boqortooyada Ingiriiska ka dib markuu casuumaad rasmi ah ka Helay Maayirka magaalada Bristol.

Safarka uu maanta Maayir ku xigeenku ku yimi Caasimada labaad ee ingiriiska Ayaa qayb ka Ahaa booqashooyin uu beryahanba kula kulmayey maayirada magaalooyinka waaweyn ee cariga ingiriiska iyadoo Maayir ku xigeenka si weyn loogu soo dhoweeyey xarunta ugu weyn ee looga taliyo gobolka West Midlands caasimadiisa Birmingham, ugu horayna Waxaa Maayir ku xigeenka ku qaabilay irida hore ee Town Hall ka Birmingham, ciidan ka mida mileteriga dalka ingiriiska iyagoo si farxad leh ugu soo dhaweeyey guud ahaan dalka ingiriiska gaar ahaana Birmingham.

Socdaalka Maayir ku xigeenka oo ku jihaysnaa balan uu la lahaa Maayirka Magaalada Birmingham ayaa ugu danbayn Waxaa mudane Cabdicasis Maxamed Xaashi, xafiiskiisa si heer sare ah ugu qaabilay Maayirka Birmingham Councilor Raymond Hassall iyo xubno kale oo muhiim ah kana tirsan awoodaha ugu waaweyn ee daadihiya hawl maalmeedka xarunta golaha degaanka ee caasimada 2aad ee UK Birmingham, waxaana halkaasi ka dhex muuqday kana babanaayey Calanka Somaliland taas oo muujinaysa tixgelinta iyo aqoonsiga ay ula diyaarka yihiin golaha Councilor Raymond ku somaliland.

Kulanka labada maayir oo ay ku weheliyaan xubnihii soo qabanqaabiyey kulankan oo uu ugu horeeyo Siyaasi Abdirasaaq Miicaad iyo Sidoo kale Abdiraxmaan Ubaxle, Axmed Cali, Suldaan kabadhe, Xuseen Baane iyo Abdiqani abdilaahi Ayaa is barashada labada maayir ka dib Waxaa aad looga sheekaystay qadiyada Somaliland iyo taariikhdii soo jireenka ahayd ee ka dhaxaysay labada wadan waxaana hoos loogu daadedegey sidii labada magaalo isaga war hayn lahaayeen dhinac kasta.

Ugu danbayn waxaa kulankaasi ku soo xidhmay is fahan iyo balamo horumarineed oo halkaa laga sii anbaqaado iyadoo labada maayirba si wada jira ugu mahad celiyeen xubnihii ka shaqeeyey kulankan, mayirka Birmiham Ayaa Mayir ku xigeenka Hargeysa ku soo wareejiyey xarunta Councilka ee Birmingham oo ah xarunta ugu weyn wadamada yurub, dhinaca kalena ah xaruntii ugu horaysay ee council ah oo laga yagleelo boqortooyada ingiriiska ama magaaladii ugu horaysay ee samaysata xarun gole deegaan.

Arrimaha ay ku balameena waxa ugu waa weyn sidii ay labada golle deegaan u midoobi lahaayeen hargeysana looga taageeri lahaa arrimaha Caafimaadka, biyaha iyo Laydhka.