Maayarka Berbera oo ku guulaystay abaal-marinta Madaxweyne-Xigeenka

War-saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan “Cidin” uu ku guulaystay shahaado-sharafta maamul-daadejinta dawladaha hoose ee Somaliland, taas oo uu guddoonsiiyey Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.”

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in Madaxweyne-Ku-Xigeenku uu abaalmarinta Maayar Cabdishakuur guddoonsiiyey kadib markii ay qiimeyn maayarrada ku sameeyeen guddida wasiirrada ee ku hawlan maamul-daadejinta oo uu hogaamiyo Madaxwayne-Xigeenku, taas oo la sameeyey 16kii Juun 2015-ka kadib markii la isugu yimid shir ka dhacay hoolka shirarka ee Madaxtooyada.

Shirkii qiimaynta maayarrada lagu sameeyey waxa ka qayb-galay wasiirro, agaasimeyaal guud iyo maayaradda degmooyinka lagu bilaabay maamul-daadejinta.

Berbara oo ka mid ah degmooyinka lagu bilaabay tijaabada maamul-daadejinta ayaa loo aqoonsaday laguna ammaanay inay noqotay degmadii sidii ugu wanaagsanayd u fulisay qorsheyaashii maamul-daadejinta.

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo guubaabinaya maayarrada kale ee dalka wuxu yihdi:

“Maayarrada kale ee dalka waxan ka rajaynayaa in ay ku daydaan maayarka Berbera oo ay horumarka Cabdishakuur  sameeyey oo kale ka sameeyaan magaalooyinka ay maamulaan  si ay noqdaan qaar bilic leh bulshaduna u hesho adeegyo wax-ku-ool ah.”

Bandhige@gmail.com