Maayarka dagmada Sallaxley oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay hay’adda UNDP, kuwaas oo kormeer shaqo ku yimi dagmadaas.

Masuuliyiintaas ka socday hay’adda UNDP waxa hogaaminaayay Cabdiqaadir Rafiiq oo ka mida masuuliyiinta hay’addaas ayay jeedada socdaalkoodaasi ahayd ahayd kormeer iyo xog is waraysi la xidhiidha mashaariicaha ay hay’addu ka fulisay degmada sidii looga faa’iideystay iyo waxii caqabo ah ee jira wax ka qabshadooda.

Maayarka dagmada Sallaxley Axmed Buraale Iimaan oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha deegaanka ayaa ugu horayn xafiiskiisa kusoo dhaweeyay iyadoo masuuliyiinta ka socotay Hay’adda UNDP ay uga warameen mashaariicaha ay ka fuliyeen dagmada Sallaxley iyo sidoo kale waxyaaba u qorshaysan 2024 inay ka fuliyaan dagmada.

Masuuliyiintii ka socday UNDP iyo maamulka dagmada Sallaxley waxay kormeer ku gaadheen Laanqeyrta Qool-dhuxulaale halkaas oo ay shir kula qaateen odayaasha deegaanka waxanay kormereen Dhaamka Qool-dhuxulaale. Sidoo kale waxa ay kormeereen Dhaamka dagmada iyo mashruuca Solarta ee Barakaca.

Masuuliyiinta UNDP ee kormeerka shaqo ku tagay degmada Sallaxley waxa goobihii ay mareen warbixino ku siiyay maamulka dagmada iyo odayaasha deegaanka.