Maayarka Hargeysa oo xadhigga ka jaray biriij laga hirgeliyay deegaanka Rabley

Duqa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa saaka xadhiga ka jaray mashruuc ka mid ah mashaariicdii JPLG-ga oo laga fuliyay duleedka waqooyi ee magaalada Hargeysa mashruucan oo ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay, Dawladda Dhexe iyo Dawladda Hoose. Mashruucan oo ka mid ahaa saddex mashruuc oo degmada Hargeysi ay sanadkan fulinayso. Biriijkan oo laga dhisay Deegaanka Rabley oo waqooyiga kaga toosan Magaalada Hargeysa. Biriijkan oo baahi weyn loo qabay kuna jiray mashaariicdii mudnaanta weyn ay siisay Degmada Hargeysi. Biriijkan waxaa ka faaiidaysanaya deegaanka Rabley iyo inta u dhaw, waxaa kale oo soo maraya Booyadaha biyaha u sida caasimadda, iyo baabuurta khudaarta.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Mustafe oo ah guddoomiyaha Degmada Laasgeel oo soo dhaweeyay una mahadceliyay intii ka soo qeyb-qaadatay iyo muhiimadda uu biriijkani u leeyahay deegaan ka iyo isku xidhka bulshada intiisa kale. Biriijkan waxaa loogu tala galay inay maraan baabuurta culayskoodu aanu ka badneyn 24 ton.

Waxaa isaguna madasha ka hadlay Maxamed Aw-Aadan Wayrax oo ah Xil-dhibaan laga soo doorto deegaankaas oo isaguna sheegay in ay hirgeliyeen ballan-qaadyadii ay hore u qaadeen. Ay tahayna cashuurtii laga qaaday dadka deegaanka in dib loogu soo celiyay. Wuxuu sidoo kale sheegay in si deg-deg ah oo loo fuliyaa ay wax-weyn ka tarayso isku socodka deegaamada uu biriijkani maro. Maxamed Cabdirixiin (Maxamed Dheere) oo isaguna ka socday Hay’adda ILO ayaa isaguna u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka gaysatay qabsoomidda mashruucan, biriijkan cabbirkiisu wuxuu dhan yahay 44m oo dherer ah iyo 7m ballac ah. Waxaana labada dhinac laga dhigay Gabyan oo ka celiya inay biyuhu waxyeeleeyaan biriijka

Maayarka caasimadda ayaa ugu dambeyntii hadalka qaatay oo ka hadlay, mashruucan waxaa iska kaashaday Dawlada Hoose, ta dhexe iyo Hay’adaha Qaramada Miboobay ee UNICEF, UN-HABITAT, UNCDF, ILO iyo UNDP. Biriijkan waxaa ku baxay lacag dhan $48,000. Cabdiraxmaan Soltelco wuxuu ku booriyay dadka deegaanka inay ilaaliyaan biriijka, mashaariic badan oo kale na ay u soo socdaan iyadoo ay ku xidhan tahay kolba sida ay cashuurta u bixiyaan una garab-istaagaan Dawladda Hoose ee Hargeysa. Duqa Caasimaddu wuxuu sheegay inay halkani tahay meesha Hargeysa biyaha looga keeno markaa waa in kharash la galiyaa, wuxuu kale oo uu sheegay in deegaanka Laasgeel dhawaan loo keeni doono Umbalance-kii oo ay ka wada socdaan wasaaradda caafimaadka. Jawi wanaagsan buu ku soo dhamaaday oo ilaahay raxmaddiisii roobka inoo shubay.