Maayarka Hargeysa wuxu qoondeeyey dhul xabaalo laga dhigayo, culimadana wuxu u diray baaq iskaashi-doon ah

“Maanta laga bilaabo waa diyaar dhulkii xabaalaha laga dhigi lahaa, kaliya waxa loo baahan yahay sidii deyr loogu samayn lahaa” sidaas waxa yidhi Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelko” oo xalay farriin kooban ku baahiyey boggiisa Facebook-ga.

Cabdiraxmaan Soltelko wuxu farriintiisa ku sheegay in Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo gudanaya waajibaadka saaran ay qoondeeyeen dhul laga dhigi karo xabaalo, sidaas darteedna aan loo baahnayn dhul cusub oo la iibiyo si xabaalo looga dhigo balse loo baahan yahay in la iska kaashado sidii deyr loogu samayn lahaa dhulka ay Golaha Deegaanka ee Hargeysa qoondeeyeen. Maayarka Hargeysa wuxu kulan iskaashi ah ugu baaqay culimada Hargeysa wuxuna yidhi:

“Masuuliyadda xabaalaha waxaa iska leh Golaha Deegaanka oo aan anigu hormood u ahay, waxaananu u astaynay dhul. Sidaas darteed culimada waxaan ka codsanayaa in ay shir isugu yimaaddaan Khamiista 9:30 subaxnimo, haddii Alle yidhaahdo, si aan uga wada hadalno calaamadintooda iyo deyr sidii loogu samayn lahaa. Maanta looma baahna in xabaalo dhul loo iibiyo oo Golaha Deegaanka ayaa u haya.”

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan gaar uma uu sheegin barta uu ku yaal dhulkan ay u qoondeeyeen xabaalaha iyo cabbirkiisa. Laakiin waxa la filayaa warkan oo faahfaahsan in uu ka soo baxo shirkha uu maayarku ku baaqay Khamiista.

Qoraalka Cabdiraxmaan Soltelko
Muuqaalka qoraalka Maayarka Hargeysa ku baahiyey Facebook-ga

 

bandhige@gmail.com