Maayarka Sallaxley oo Shahaado Sharaf Gudoon Siiyay Sarkaal ka Tirsan GTZ

Hargeysa – Maayarka Degmada Sallaxley Axmed Buraale ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Mss. Carola von Morstein, oo ah madaxa mashruuca RDRM ee Hay’adda GIZ.

Hay’adaas oo kala shaqaysa maamulka Degmada Sallaxley dhinacyada wax soosaarka iyo qaybo badan oo ka mid ah horumarka Degmadaaas.

Sidoo kale waxa ay kormeertay Ms Carola dhismeyaal lagu samayn doono Saabuunta, iyo goob Caanaha lagu qaboojiyo oo Degmadaasi ay ka hir galiyeen.

Maayar-ka Degmada Sallaxley Axmed Buraale iyo isu duwaha Wasaaradda horumarinta beeraha JSL ee Degmada ayaa uga mahad celiyey Hay’adda GIZ doorka ay ka qaadato horumarinta Degmadaas.