Madal Buug Ayey Ahayd Ee Madal Mudaharaad May Ahayn. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ceebtii ka dhacday bandhigii buugga ka hadlayey taariikhdii madaxweyne koowaad ee Soomaalilaan C/raxmaan Tuur ‘AHN waxa aynu ka xusi karnaa dhawrkan arrimood:

  • Eedda koowaad waxa leh kooxda qaban qabanaysay buugga ee tikidhad u qaybisay ciyaallo suuqa aan u qalmi inay madasha yimaadaan.
  • Qoraaga buugga waxa ka muuqtay in aanu waayo-aragnimo qoraal lahayn, waayo wuxuu qiyaasi kari waayey xiisadda taagan iyo dadka loo qaybinayey tikidha casuumadda.
  • Taageerayaashii xisbiyada mucaaradka ee dadka madasha qurxinayey ku qaylinayey waxa ay goobtii u beddeleen madal xisbiyadu leeyihiin oo aan dad kale laga ogaleyn. Waxa ay ku ciyaareen sumcaddii buugga.
  • Qas-wadayaashii madasha joogay waxa ay buuggii ka xidheen iibkii ay iibsan lahaayeen xubnihii dawladda iyo ganacsatadu. Halkaasi wuxuu khasaare maaliyadeed ka soo gaadhayaa qoraaga.
  • Xisbi mucaarad Kulmiye ayaa ugu muddo dheeraa, haddana weli laguma arag madal buug oo ay dhacdo noocan ah ka sameeyeen.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com