Madaweynaha Burundi ayaa sheegay in doorashadda madaxtooyadu qabsoomi doonto wakhtigeedii iyadoo ay muraacidkuna qaadaceen

epa04746216 (FILE) A file picture dated 24 June 2010 shows President of Burundi Pierre Nkurunziza raising his fist as he delivers a speech at a campaign for the presidential elections 2010 in Bujumbura, Burundi. Major General Godefroid Niyombare seizes power in Burundi while President Pierre Nkurunziza is attending an East African Community summit in Tanzania. Niyombare made the announcement on a local radio station, Radio Isanganiro, on 13 May 2015.

Madaxweyne Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku qabtay isu soo-baxii ugu weynaa ololihiisa doorashadda ee teeramkiisa saddex ee uu ku doonayo jagada madaxweynenimada magaaladda dhinaca koonfureed ka xigta caasimadda Bujumbura ee Kabarore maalinimadii Jimcihii.

Ololahan ayuu Nkurunziza u sheegay taageerayaasha inay doorashadda dhacayso wakhtigeed loo qorsheeyey, doorashaddan ayey qaadaceen mucaaridka iyo xubno ka mid ah milatariguba.

Ololahan ayaa imanaya wakhti ay wada-hadalo u socdaan mucaaridka, ururada bulshada, hogaamiyaasha diimaha iyo xukuumadda kaas oo uu dhex-dhexaadiye ka yahay madaxweynaha Ugaandha Yoweri Mosevini.

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya wada-hadalada ayaa sheegaya in la samayn doono dawlad wadaaga.

Qalalaasaha burundia ayaa bilaabmay dhammaadkii bishii Abril ka dib markii madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynimada teeramkii saddexaad, taaso dastuurkuna u ogol yahay laba muddo teeram.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay labadii bilood ee rabshadu ka socdeen waddanka Burundi, in 158,000 waxay u qaxeen waddamada jaarka sida lagu sheegay warbixin Qarama Midoobay soo saartay dhawaan.

Ololaha uu bilaabay Nkurunziza ayaa laga cabsi qabaa inay sii kordhiso qalalaase ka taagan dalka Burundi iyo sababaan burka wada-hadalada wakhtigan bilaabmay.

bandhige@gmail.com