“Madax-dhaqameedka Somaliland way ka qayb-galayaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya” Suldaan Xiirey

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ku hadlaya afka salaadiinta Somaliland ayaa tibaaxay in uu soo dhawaynayo in dawladda Turkigu wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya u wareejiso dhinaca madaxda dhaqanka Somaliland iyo Somaliya.

Suldaan Xiirey oo u waramay Telefishanka Universal ayaa sheegay in ay madaxda dhaqanku ku habboon yihiin in ay galaan wada-hadalkada labada dal.

“Waxaanu u aragnaa haddii aanu madaxda dhaqanka, culimada iyo cuqaasha nahay in aanu geli karno waanan soo dhawaynaynaa. Waxaa la soo gaadhay xilligii aanu arrinta soo geli lahayn” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanku wuxu intaas raaciyay “Waxaanan u aragnaa in aanu annagu geli karno.  Talada qarankan cid gaar ahi ma laha. Talada dalkan siyaasi, asxaab, culimo iyo bulshaduba way u simanyihiin. Taladuna talo afar nin ka go’da maaha, markaas waxaanu leenahay waanu soo dhawaynaynaa, taladana wax baanu ku leenahay”

Suldaan Yuusuf Xiirey wuxuu carrabka ku adkeeyey in shirkan la sheegay in Turkigu qorshaynayo ay madax-dhaqameedku doorkooda si buuxda uga qaadan doonaan.

Weli ma cadda in madax-dhaqameedka Somaliland ay fikirkan la qabaan Suldaan maadaama aanay weli ka hadal. Haddii ay sidaas ku aamusnaadaan waxa loo qaadan karaa in uu yahay arrin madaxda dhaqanku isku og yihiin maadaama Suldaan Xiirey ku hadlo afka salaadiinta.

Bandhige@gmail.com